|

Maxay QM ka tiri Dilka wariye Axmed sakin iyo dhaawacii tuuryare.

Madaxa Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa war uu soo saaray waxa uu uga waramay dilalaka soo noqnoqday ee suxuufiyiinta loo geysto.

Augustine Mahiga ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilalaka iyo weerarada soo noqnoqdey ee lagu qado wariyeyasha Soomaaliya.

“Waxaan halkan Tacsi uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Axmed Farax Ilyas ,sidoo kale waxaan Maxmed Tuuryare u rajeynayaa caafimaad degdega”ayuu yiri Mahiga.

“Waxaan hay’adaha denbi baarista ku boorinayaa in ay dardar geliyaan baaritaanada UNIPOSna arinkaa in ay gacan ka geysato waa u diyaar”ayuu mar kale yiri Mahiga.

Habeenimadii Axada ayay aheyd kolkii koox hubeysani ay xaafada Madiina ku toogatay wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare.

Halka xalay wariye Axmed Farax lagu dilay guddaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9834

Posted by on Oct 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented