Daawo:Madaxada Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Shacabka kula Tukatay Salaada Ciida Masjidka Isbaheysiga Ee Muqdisho.
Madaxda ugu sareysa dawlada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa maanta tukashada Salaada Ciidda kagala qeybgalay dadweynaha masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si wadajir ah saaka ugu soo tukaday masjidka Isbahaysiga oo ku dhow madaxtooyada.
Boqollaal dadweyne ah oo isugu jira dad horey joogay magaalada iyo qaar qurbejoog ah oo dhowaan soo gaaray magaalada ayaa iyaguna Salaada maanta ku oogay masjidkan weyn oo ka mid ah masaajidada ugu caansan ee caasimada ku yaalla.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo intii ay Salaada socotay ciidamada amaanka madaxtooyada ay dadweynaha soo galaya masjidka baaritaan ku sameynayeen.
Raysul wasaare Shirdoon oo xalaywarbaahinta dawlada shacabka kala hadlay ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan isagoo
dadka ka codsaday inay gacan ka geystaan sugida amaanka guud ahaan dalka.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9925

