|

Ma ogtahay dhibaatada uu leeyahay nalka kaydiya korontada Spaarlamp

Jimco Oktoobar 26, 2012 [JSN]: Waxaa laga mamnuuccay dhamaan wixii ka danbeeyo bishii septembar ee la soo dhaafay in  27 wadan ee iskula jira midowga Yurub in lagu gado nalalkii hore ee guluubka loo yaqaanay kuwaasoo la sheegay in ay yihiin kuwa u daran degaanka iyo jeebka oo koronta badana isticmaalaan.


Nalka guluubka ayaa waxaa la amray ganacsiyada uu wali yaal dukaamadood markii uu ka dhamaado ayan dalab hor leh samayn karin oo looga baahanyahay in ay gadaan nalalka loo yaqaan spaarlamp/saving lamps.  Khubaro ku xeeldheer arrimaha korontada iyo nalalka baaritaan ay ku sameeyeen ayay ku sheegeen in wax isbedel oo weeyn oo la taaban karo oo koronto dhaqaaalays ah laga helayn oo  ay sheegeen waxaa taas ka sii daran in nalalka kaydka korontada ay ka buuxaan gudihiisa sun haddii uu jabo ay lagama maarmaan tahay in si taxadir ku jiro  haddii uu guriga gudihiisa ku jabo nalkaan waa in  guriga dariishadaha  loo furaa ugu yaraan 15 daqiiqo, lana aaryeeyo haddii ay ilmo ka ag dhawyihiin laga fogeeyo.

Waxaa taas ka sii daran in haddii ay gubtaan nalalkaan halka lagu tuuri lahaa ama khashinka aan lagu tuuri karin sababtoo ah waxaa ka buuxa sun u daran caafimaadka dadka, degaanka, ugaarta intaba.

Waxaa dhawaan lagu soo qaatay barnaamij ka baxo telefishinka Nederland oo la yiraa Radar oo ka hadlo arrimaha la xiriira isticmaalka alaabaha ay gataan macaamiisha ee isugu jira badeecooyin iyo adeegyo iyo qaabka loo gato iyo dhibaatooyinka ka imaan kara.

 

Waxaa ku jira nalalkaan kaydka in ay ku jiraan maadada la yiraa meerkuriga oo sun u daran ah bani aadamka oo haddii ay jabaan loo baahanyahay in si taxadar leh khashinkiisa loo qaado gurigana ugu yaraan 15 daqiiqo la aaryeeyo.  Dadka leh carruurta waxaa loo baahanyahay in ay u sheegaan carruurtooda in ay ka fogaadaan maadaama ay u daran yihiin caafimaadka dadka oo dhan haba ugu sii darnaadaan carruurta.  Wadanka Jarmalka oo daris la ah Nederland ayaa la baraa carruurta iskoolayda ah, sidii ay uga badbaadi lahaayeen haddii uu jabo nal kuwa korontada kaydiya sida lagu sheegay.

Nederland oo laga rabay in dowlada ay shicibka u gudbiso khatarta uu leeyahay nalkaan ayaa nasiib daro wali jirin qaabkii loogu gudbin lahaa dadweynaha iyo ka hortaga khatarta nalka kaydka korontada sida laga sheegay Radar.

Waxaa mudan in la sheego, sababta midowga Yurub ay mamnuucday in la isticmaali karo nalkii guluubka ee horay u jiray hadana ay ugu guuldaraysteen in ay dadweynaha wargeliyaan khatarta iyo kiimikada sunta ah ee ka buuxda nalalkaan.

 

Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]

Somculned@gmail.com

www.somculned.nl

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9932

Posted by on Oct 26 2012. Filed under Caafimaadka, Wararka Nederland. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan