|

Martiqaad madaxweynaha u sameeyey madaxda dowldada soomaaliya.

(Mogadishu, Somalia, October,26, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

 

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlmaanka, iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalo kooban ka jeediyey goobta, marka hore waxaa hadalo kooban jeediyey  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hambalyo ka dib umadda Soomaaliyeed u rajeeyey in ciidaan ciideeda ku gaarto Ammaan,  Barwaaqo iyo Baraare “ Waxaan Allaah ka rajeeynayaa Dowladda iyo dadka oo isku duuban in ciidaan ciideedu ku gaaraan farxad  iyo wanaag” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlmaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay goobta ayaa u duceeyey umadda Soomaaliyeed  isagoona Xildhibaanadda Baarlamaanka ka codsaday in ay dhax-galaan shacabka si ay uga warqabaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ka dib waxa uu fariin u gudbiyey dhammaan masuuliyiinta Dowladda isagoona ugu baaq in  masuulyiinta ay  la yimaadaan wax ka duwan wixii hore.

“Maanta fariinta aan rabo in aan idinla wadaago waxa ay tahay, waqtigaan aan  isku dayno wixii hore wax ka duwan in aanu la nimaado, wixii hore ee noo shaqeeyn waayey in aanu ku noqono haddane oo aanu ka rajeeyno in ay noo shaqeeyaan yeeynan dhicin, aan  isku dayno wax aanan horay isugu dayin’ ayuu yiri Madaxweynahu.

 

















-  Dhamaad –
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9934

Posted by on Oct 26 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented