|

AMISOM oo sheegtay in ay dileen kooxo ka tirsan Shabaab.

Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyey in howlgal laga sameeyey waddada isku xirta magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Shan ka tirsana Malleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay maalinnimadii Khamiista ee todobaadkii hore oo ay taariikhdu ku beegneyd 24-kii bishan Octobar islamarkaana uu howlgalku ku soo gebageboobay sidii loo qorsheeyey.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii howlgalka uu socday uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan Ciidammada Midowga Afrika kaas oo u dhashay waddanka Kenya.

Ugu dambeyntii Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qoraalkooda ku soo gebagebeeyay iney ka go’antahay sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa guud ahaanba haraadiga kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9951

Posted by on Oct 27 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented