Digniin : Biliiska Nederland oo ka digay bilowga qaboobaha iyo simbiriraxashada jidadka baabuurta
Sabti Oktoobar 27, 2012 [JSN] Digniin la xiriirta bilowga qaboobaha iyo simbiriraxashada baabuurta ayuu digniin ku bixiyey Biliiska Nederland in ay ka digtoonaadaan maadaama la galay waqtiga qaboobaha Nederland iyo Yurub inteeda kale oo dhan.
Isbedelka saacada +1 Saacad dib loo celinayo
Waxaa kaloo isbadalaya waqtiga saacada oo la galayo waqtiga qaboobaha. Caawa saacada marka ay tahay 03:00 hal saac gadaal loo celinayo saacada. Waxaa badanaya waqtiga habeenkii mugdiga halka, goor hore ay qorax dhacayso oo goor hore iftiinka suulayo.
Dharka qaboobaha
Waxaa dad badan ay kala soo bixi doonaan halkii ay ugu kaydsanayeen dharkoodii, kabahoodii qaboobaha oo ay lagama maarmaan tahay in lala soo baxo oo la gishado illeen qaboow badan ayaa imaanayo.
Talooyinka aan siinayno Soomaalida waxay tahay maadaama ay ka yimaadeen dhul kulul in ay cad ceeda ka faaiideystaan qaasatan dumarka iyo caruurta oo ay lagama maarmaan u tahay, haddii cadceed la waayo adigoo la tashanayo hadba dhakhtarkaaga in aad qaadato fitimiinada D iyo feerada qaasatan dumarka oo ay lagama maarmaan u tahay,
Waxaa lagama maarmaan ah in la cuno cunto nafaqo leh oo aan ahayn xalwo iyo macmcaanka badan iyo cuntada ay ku badantahay dufanka, nasasho, nadaafad wacan, jimicsi jirka ah iyo guryaha oo la aaryeeyo ugu yaraan 15 minutes. Waxaan kaloo kula talinaynaa in iskaalsaha badanaa iyo surwaalka hoosta laga kor gishto surwaalada la qaato rag iyo dumar si qabowga la iskaga difaaco.
Xalay ayaa baabuurta jidka ku daadiso cusbada ay ku shubeen cusbo loogu talagalay in ay dhalaaliso barafka jidadka gobolada kala ah koonfurta Holland, Limburg iyo gobolka Gelderland.
Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]
Afeef: Haddii aad aragto khalad fadlan nala soo socodsii, ama aad hayso sheeko ama aqbaar xiiso u leh Soomaalida Nederland. Noogu soo dir Somculned@gmail.com ama halkaan: Mahadsanid(iin)

Joornaalka Soomaalida Nederland: waxaa loogu talagalay in afka Soomaaliga uusan suulin: Waa xil nawada saaran in la helo waxbarasho, joornaalo kusoo baxo afkeena Hooyo. Soomaaliya ha noolaato: Ka qaybqaado, halka aad ku fiicantahay ka qor mowduucyo xiiso u leh walaalahaaga Soomaaliyeed. Joornaalkan waxaa isku dubariday, farsamo, maal iyo qoraalba Daud Ali Ahmed, waxaan soo dhawanayaa fursadaan qaaliga ah in ay ka faaiideystaan Soomaalida Nederland iyo kuwa kale ee adduunka intiisa kale.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10016