Doowlada Soomaaliya oo war cad ka soo saartay dhoofinta Dhuxusha Kismaayo.
Dowladda Somaaliya waxa ay taagereysaa kuna adkeysaneysaa siwadida xayirada dhofinta dhuxusha ee lagadhofinjiray dikedda magalada Kismayo kaasi oo dhaman wadamada kujira golaha amaanka ay siwada jira uqaateen go’aanka lagu joojinayo dhoofka dhuxusha ee dekedda Kismayo kasi oo dowladu hore golaha amaanka ugadalbatay islamarkana sheegtay in dhoofinta dhuxusha aaney dhib ku ahayn deegaanka oo keliya ee dadaalada amaankana ay qatar kutahay taasina aytahay sababta dowladu udalbatay xayirada lasaray dhoofka dhuxusha ee dekedda Kismayo.
Dowlada Somalia waxa ay muujineysaa sida ay ugaxuntahay falkasta oo wax udhibikara xayirada iyadoo sitaxadarleh ulasocon doonta dhisina doonta gudi arimahaasi sigaar ah ulasocda.
Dowlada Somalia waxa aysiweyn usoo dhoweyneysaa guulaha lagaaray tan iyo lawareegidii Kismayo ee ciidamada dowlada iyo amisom iyadoo masuuliyada haatan ay leeyihiin hogaamiya yaasha gudaha ee deegaanka si ay umideeyaan ujedoyinka kaladuwan ee siyaasadeed kanajira gobolka oo idil siloosugo amaanka loona gaaro isfaham buuxa.
Dowlada Somalia waxa ay sicad umuujineysaa in ay taageersantahay oo kaliya garoonka iyo tikeda kismayo marka lafulinayo adeega shacabka sida kaalmooyinka bani aadanimo waxana arintaasi wakiil ka ah oo xaqiijinaya ciidamada dowlada iyo amisom oo kaliya int sida ugu dhaqsiyaha badan lagasoo dhisayo maamul dowli ah.
Dowlada Somalia waxa ay ogsoontahay in dadka kismayo kasoo daaleen fowdo iyo dhibaatooyin ragaadiyay oo kadhashay siyaasado guracan oo horkacayeen qab-qablayaal dagaal iyo kooxo mayal adag taasina ay keentay hada in ay shacabku daaleen diyaarna uyihiin in ay gaaraan nabad iyo horumar buuxa.
Sidaa daraadeed xayirada dhuxushuna waa mid sidaas usaarnaan doonta tikeda tan iyo inta dowlada sameyn donto qorsho lagumaamulo arimahaasi.
Dowladu waa ay dalbaneysaa in lasiiwado xayirada golaha amaanka ee dhuxusha tirsigiisunayahay 2036 islamarkana dowladu waxa ay diyaar utahay in ay gar gaarto dadka reer kismayo iyadoo dhawana udiri doonta shixnad saran markab oo gar gaar bani adanimo ah.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9965