Howlgal dad lagu soo qabqabtay oo ka dhacay Afgooye iyo meelo u dhow.
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay dagmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran iyagoona intii uu socday dowlgalka ay gacanta ku soo dhigeen kooxo qalqal galinayay amaanka dagmada.
Ciidamada XDS ayaa saakay aroortii ka bilaabay howlgalka inta u dhaxeysa dagmada Afgooye iyo magaalada Marka waxa ay gacanta ku soo dhigeen ku dhowaad Lix ruux kuwaas oo siyaaba kala gooni gooni ah loo soo qabtay.
Markii uu soo gaba gaboobay howlgalka ayaa waxaa kulan dagmada Afgooye ku yeeshay saraakiisha amaanka ee dagmadaasi iyo taliyaha horkacayay howlgalka waxaana kulankaasi looga arrinsanayay sidii loo xoojin lahaa amaanka.
Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay General Ibraahin Yaroow oo horkacayay howlgalka waxa uuna sheegay intii uu socday howlgalka in gacanta lagu soo dhigay lix ruux kuwaas oo siyaaba kala duwan loogu soo qabtay howlgalka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan xaqiijinta amaanka goobaha ay gacanta ku hayaan si ay shacabka ugu nolaadaan nolol amaan ah.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10005