Maanta oo laga ciiday wadanka Pakistan iyo Sida looga ciiday Pakistan- daawo sawirada
Manta oo ah sabti ayaa laga ciiday wadanka pakistan halka dunida islaamka iyo wadamada Islaamka intooda badan laga ciiday maalinti jimcaha, Pakistan ayaa maalin ka danbeesay maalinti ciida ee laga ciiday saudi arabia, ciidan waa ciidul Adxa oo ah maalin looga qayaas qaato ama lagu xirmo maalinta caraf a.
Si kastaba ha ahaatee waxaad wadooyinka wadanka Pakistan gaar ahaan magaalada Karachi ee Gobalka sindhi ciyaal, odayaal, iyo dumar wada labisan oo ku dabaal dagayo wadooyinka Karachi, waxaad ku arkeesaa wadooyinka dadki oo is salaamayo ayagoona xabadka iyo laabta Isu qabanayaan farxada ciidul adxa darted.
Waxaad arkeesay ka hor maalinta dadkii oo iibsanayo xoolo si ay u gowracdaan ayna waa Fujiyaan sunada.
Meelahaha laga dukaamadeesto amaba ay dhahaan luuqada qalaad shopping oo dumar fara Badan kusiicaraya si ay u iibsadaan wax yaabaha leesku qurxiyo iyo cadarada iyo baraafun iyo wax yaabaha macmacaan ee la cuno.
Waa kanaa xoolihii oo la gowracayo iyo dadkii oo dul taagan, iyo xoolihii oo ay gaaren heerkii ugu sareeyay qiima ahaan.
Inkastoo ay jiraan dad fara badan oo aan waxba heysan ayagoona ka dawarsanayaan lacago ay ku damaashaad tagaan maalintaan farxada ah, dadkaan ayaa ku dhibaateysan wadooyinka magaalada Karachi ayagoona aan helin wax aan ku filneyn in ay ku maareeyaan noloshooda.
Waxaad kale arkeesaa sida loo qurxiyay masaajidada wadanka Pakistan gaar ahaan magaalada Karachi.
Ardayda Soomaalida kunool wadankan Pakistan ayaa ayagana si wanaagsan u ciideen ayagoona u doceenayay wadankooda.
Waxaad arkeesa sida ardayda soomaalida kunool wadankan ay isu jecel yihiin ayagoona xabadka is saarsaarayo isuna doceenayaan ayaa waxaan la kulmay arday fara badan oo halkan u marinayaan waalidiintooda iyo walaalahooda ayagoona u doceenayaan
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9971





![Photo0214[1]](http://www.qubanaha.com/wp-content/uploads/2012/10/Photo021412-300x225.jpg)



![Photo0210[1]](http://www.qubanaha.com/wp-content/uploads/2012/10/Photo02101-300x225.jpg)
![Photo0212[1]](http://www.qubanaha.com/wp-content/uploads/2012/10/Photo02121-300x225.jpg)