Midowga Yurub iyo Ethiopa oo Xoojiyey La dagaalanka Argigixisada Geeska Afrika.
Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa ku kulmay reysul wasaaraha dalka Ethiopia xeela maryam deselqi iyo ergeyga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan arrimaha africa Allex Randos waxana ay ka wada hadleen arimo intooda badan quseeya la dagaalanka waxa loogu
yeero argigixisada.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warameysa in Ra’iisul Wasaarahadalka Ethiopia Xayla Mariam-Desalegn iyo ergeyga gaarka ah ee midowga yurub u qaabilsan arimaha africa Allex randos ay ka wada hadleen sidii ay u sii laba jibaari lahaayeen in gobolka geeska africa looga ciribtiri lahaa waxa ay ugu yeereen argigixisada , iyagoo farta ku fiiqay xarakada Al-Shabaab oo Soomaaliya oo Ra’iisul WasaarahaEthopia uu sheegay inay caqabad ku tahay xasiloonida qaaradda africa iyo caalamka oo dili
sida wakaaladdu ay sheegeyso.
Xayla Mariam Desalegn Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto howlgalka ka dhanka ah al shabab oo gudaha somalia ay ka wado ,waxana uu tilmaamay in ciidamada ethopia ee Soomaaliya ku sugan aysan ka soo bixi doonin dalka somalia ilaa iyo inta ay ka wiiqayaan awoodda Al-Shabaab.
www.qubanaha.com
Allex Randos ergeyga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Africa ayaa isna sheegay in ururka midowga Yurub wadamada Afrikaanka ah uu ku taageerayo taageero dhaqaalo iyo mid militeri intaba si looga adkooda kooxaha carqaladeenaya amaanka qaaradda africa oo uu sheegay in Al-Shabaab ay ka mid tahay.
Dowladda Ethiopia ayaa faragelin toos ah ku heysa dalka somalia iyadoo ciidamo kuweeda ah ay ku sugan yihiin gudaha dalkeena.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=9957