AMISOM:Waxaan is ku fureynaa Wadada Balidoogle iyo Baydhabo is ku xirta.
Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa sheegay in si deg deg ah la isugu xiri doono waddada dheer ee isku xirta garoonka Ballidoogle iyo magaalada Baydhabo iyagoo dhinaca kale ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolka shabeellada hoose.
Iyadoo ciidamada XDS oo kaashanaya kuwa Amisom ay malleeshiyaadka Shabaab ka xoreeyeen inta badan gobolada dalka isla markaana la wareegeen gobolka Shabeellaha hoose ayaa taliyaha ciidamada Amisom ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u furidoonaan waddada isku xirta Baydhabo iyo Wanlaweyn.
‘’ Alshabaab awooddoodii wey daciiftay ammaanka Muqdisho iyo meelaha kale een kala wareegnay Shabaab waa mid la isku halleynkaro, haddana waxey ciidamadu ku suganyihiin Tuulada Leego, mar dhowna waddada isku xirta Barydhabo iyo Leego waan isu furidoonnaa’’ ayuu yiri Gen. Silver oo ah taliyaha ciidamada Amisom ee G/Sh/Hoose oo shir Jaraa’id ku qabtay Balli doogle.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dadweynaha ku nool deegaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray Shabaab ay ku ciideen si farxad iyo reyn reyn leh, kuwaas oo sanado kadib si xorriyad leh ugu damaashaadayay maalmaha ciidda Adxa.
www.qubanaha.com
Xigasho :RM
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10024