Somali Editors Forum (SOMEFO) oo ah Dallad ay ku Midaysan yihiin Qaar ka mid ah Wariyayaasha Netherlands oo looga dhawaaqay Dalkaasi.
Kullan Turxaan Bixin ah oo dhawaanahaanba u socday qaar ka mid ah Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Holland ayaa maanta lagu soo gababeeyay Magaalada Zeist Gobolka Utrecht ee Bartamaha Dlka Netherlands.
Kullankaan oo ahaa dhowr marxaladood ayaa waxaa isragayadii hore lagu turxaan bixiyay xiriir la,aanta iyo tafaraaruq ka dhex jira wariyayaasha ku sugan Dalka Netherlands oo saameyn aanan wanaagsaneyn ku yeelatay miisaankii ay ku dhex lahaayeen bulshada ay la nool yihiin iyo sida ay uga dhex muuqan karaan.
Wajigii koowaad iyo labaad oo aad looga dooday waxyaabaha yar yaraa ee ku kala dhex jiray ayaa lagu guulaystay in la xaliyo wixii la kala tabanaayay oo dhan, iyadoo kadibna laga wahadlay qaabka ugu wanaagsan ee mar kale loo abuuri karo waxqabad muuqda oo ku saleysan kalsoonidii iyo wadashaeyntii hore.
Wajigii labaad ee kullanka oo todobaadkii hore ka dhacay Magaalada Rotterdam ee Dalka Netherlands ayaa waxaa la soo jeediyay in la helo wax un isku xira shabakadaha warhaahineed ee Wariyayaasha ay yeesheen oo dhawaanahaan sii kordhay.
Waxaana hindisaha uu ka dammbeeyay kadib markii ay bateen qaladaadka iyo fariimaha qaldan ee aqoondarida iyo daneysiga ku saleysan ee maalin walba ka dhaca warbaahinta oo lagama maarmaan ay noqotay in la helo wax lagu xakameeyo.
Iyadoo ujeedkana uu yahay in wax lagu saxo qodobo waafaqsan sharciga Saxaafada, dhaqanka Soomalida iyo diinta islaamkaba si loo dhiso mansabka iyo magaca Bahda warbaahinta Soomaaliyeed islamarkaasna loo ilaaliyo sharafta mujtamaca aan u shaqeyno ee Soomaaliyeed.
Hadaba Maanta oo kullankii ugu dambeeyay uu ka dhacay Magaalada Zeist gobolka Utrecht ee Bartmaha Dalka Netherlands ayaa waxaa looga dhawaaqay Dallad ay ku mideysan yihiin Tafatirayaasha Website-yada hindisahaan uu ka soo maaxday oo halkaan ka cadaynaya in Dallada ay u furan tahay Tafarirayaasha daneynaya in ay ka qeyb galaan.
Abdullahi Maxamed Xussien Taajirow oo ah Tafatiraha Website-ka Qubanaha.com kana mid ah Tafatirayaasha hindisahaan keenay ayaa sheegay in Dallada Tifatirayaasha Warbaahinta Soomaaliyeed aysan noqondoonin wax u gaar ah hindisayaasha, waxa uuna yiri
”Muhiimada waa in la hirgaliyaa Dallad Miisaan ku dhex leh Warbaahinta iyo Shacabkaba oo la xisaabtami karta Suxufiyiinta iyo Milkiilayaashaba islamarkaasna jaangoysa xuquuqda Wariyayaasha oo ka mid ah waxyaabaha nagu qasbay in aan dhisno Dalladaan”
Ugu dambeyna waxaa si wada jir ah loogu dhawaaqay Dallada Tafatirayaasha Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Editors Forum) oo loo soo gaabiyay (SOMEFO.ORG) iyadoo isla kullanka lagu Magacaabay Guddoomiyaha Guud ee SOMEFO iyo Agaasimaha Website-ka SOMEFO.ORG.
Hindasayaasha Somali Editors Forum (SOMEFO)
Bile Gurxan Axmed Guddoomiyaha Guud
Abdiweli Ibraahim Aadan Garyare Agaasimaha Wesite-ka SOMEFO.ORG
Abdullahi Maxamed Xussein Taajirow
Website-yada ugu horeeyay ee xubna ka noqday Dalladana waxaa ay kala yihiin
Kismaayo24.com Abdiweli Garyae
Qubahana.com Abdullahi Taajirow
Fogaanarag.com Abdullahi Jama
Qaran24.com Bile Gurxan
Hayaanmedia.com Abdeweli Garyare
Abdullahi Jama oo ah Tafatiraha Guud ee Fogaanarag ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhamaan Website-yada ay ku soo biiraan Hindisahaan oo ah mid aysan ka xigin ama aysan ka laheyn waxa uuna yiri
”Anaga waxaan haleelnay oo kaliya hindisaha balse hirgalintiisa waxa ay u taalaa Suxufi kasta ee ku riyoonaya in uu ka qeyb galo sida lagu dhisi karo mansabka Saxaafada, waxaana ku kalsoonahay in aan heli doono Suxufiyiin u hura waqtigooda oo socodsiiya hindisahaan iyo sidoo kale kuwa dhameystara ilaa laga gaaro yoolka la higsanaayo”
Waxaa uu intaasi ku daray in wax walba la hirgalin karo hadii la iskaashado oo qof walba u qorsheeyo qeyb ka mid ah waqtigiisa.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10046


