|

Hughes: cesar waxuu inoo noqon karaa Peter Schmeichel (by liida)

Tababaraha naadiga Qpr ayaa sheegay in gool hayahan reer Brazil uu yahay gool haye u noqon  kara sida gool hayihii Man Utd ee  Peter  Schmeichel.

 Gool  hayahan u dhashay wadanka Brazil ayaa ah ciyaaryahan jir ah asagoona kasoo tagay naadiga   Inter Milan.

Gool hayahan ayaa  si   xor ah ugu soo biiray naadiga Qpr sanadan asagoona rajeenayo in naadiga meel wanaagsan uu gaarsiiyo.

Inkastoo  9 sagaalkii kulan ee ugu horeeyay ee horyaalka Premier League ga ay guul dareesteen hadan waxee rajo weyn ka qabaan  in gool hayahan uu noqon karo mid wax tar yeesha sababtoo ah halis  fara badan ayuu ka badbaadiyay gool hayahan.

 Waxaa cad oona muuqata sida kulanka Arsenal ay laciyaaren oo kale waxad arkesa Cesar oo badbaadinayo goolal fara badan oo weliba halis ah.

Macalinka kooxda Qpr ayaa sheegay in uu ka helay hab dhaqanka gool haye Cesar  marka lagu jiro tabbanaadiga iyo alamiintadaba in uu yahay ciyaaryahan active ah oo shaqo badan iyo tababar badan qaata.

Cesar ayaa ah gool haye tayo wanaagsan leh qibradna leh asagoona kasoo ciyaaray horyaalka Talyaaniga   iyo weliba kooxda Inter Milan.

Kooxda Qpr oo guul daro ku bilowday horyaalka Premier Leageu ayaa haatan amaan u soo jeedisay gool haye Csear lakin horyaalku waa bilow waxaana la eedi doonaa halka ay gaari doonan tartanka horyaalka Premier Leageu.

Fetah Ali (liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10072

Posted by on Oct 29 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented