|

Man Utd oo guul ka gaartay Chelsea iyo Chelsea oo edsaneesa refree ga (by liida)

Kooxda kubada cagta ee Mun  Utd ayaa habeenkii xalay ahaa dardartay kooxda Chelsea oo Beryahanba laga   badin waayay.

Chelsea aya ciyaarta ku bilowday daganaan iyo Isfahan lakin waxaa taa diiday ciyaaryahanada  Naadiga shaya dhiinta  cas cas oo cadaadis xoog badan saaray daafac yada kooxda Chelsea.

Man Utd ayaa xalay guul ku gaartay garoonka kooxda Chelsea inkastoo in ka badan 10  sanadood guul Aysan ku gaarin gegada Stamford Bridge ay ku ciyaarto kooxda Chelsea.

Ciyaarti shalay afka ciida loogu daray koooxda Chelsea ayaa  waxaa Refree ka ahaa Clattenburg  Asagoona calaamada casaanka ah uu siiyay labada ciyaaryahano ee u ciyaarta kooxda Chelsea Waa  Branislav Ivanovic and Fernando Torres  wana qeybta danbe ee ciyaarta.

Calaamada casaanka ah ee labadan ciyaaryahano loo taagay ayaa fududeesay in Man Utd ay ka Noqoto daroowalka ciyaarta iyadoona la arkaayay ciyaaryahanada kooxda Manchester United Oo kubada heysta kuna xaragoonaya.

inkastoo  qeybtii hore ee ciyaarta goolasha aya ku hormartay naadiga Manchester United Waxena aheed gool uu iska dhaliyay David Luiz iyo gool uu dhliyay ciyaaryahan Robin Van Persie Taa oo keentay in kooxda Chelsea ay kordhiso qaab ciyaaredka ciyaarta waxaa bilowday were Badan oo ay soo qaaday naadiga the Blues Chelsea  goolkii  koobaadna waxaa free kick u Dhaliyay ciyaaryahan Mata oo beryahanba soo bandhigay qaab ciyaared wanaagsan.

Man Utd ayaa goolkii ugu danbeyay ee guusha ay ku raacday  dhilisay xili danbe ee ciyaarta Waxaana  u dhaliyay ciyaaryahanka   da’da yar  Hernandez.

Inkastoo goolkaa la sheegay in uu ahaa offside laakin refree ga uusan arag taa oo keentay in Kooxda Mun Utd ay qaadato sedaxda dhibcood ee ciyaarta.

Waxaa kaloo eed la saaray refree ga ciyaarta maamulayay oo lagu eedeyay in uu   aflagaado Ugeestay ciyaaryahanada kooxda Chelsea taana waxaa ku  andacooday obi mikel laawaxaa la Ogaan doonaa dacwadan sida ay ku dhamaato.

Inkastoo Refree ga naftii uu sheegay in uu diyaar u yahay waxii dacwado ah sababtoo ah ayuu Yiri waxaan ogahay in aan qofna wax aflagaado ah uma aan geesan.

Fetah Ali (liida)

Fitaax1me@hotmail.com     

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10102

Posted by on Oct 29 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented