Dowlada oo ka hadashay Dilal Muqdisho Ka dhacay.
Taliska Ciidammada Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilal siyaabbo kala duwan shalay iyo xalay uga dhacay magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in hadda ay wadaan baaritaan xoog leh si gacanta lagu soo dhigayo dambiilayaashii falalkaasi ka dambeeyey.
Taliyaha ciidamamda Booliska Gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in shalay iyo xalay Muqdisho siyaaboo kala gaddisan ay dilal uga geysteen kooxaha nabad diidka ah, isagoo xusay in dadka la dilay uu ku jiray Gaashaanle Warsame Shire Cawaale oo ka tirsanaa ciidammada Asluubta.
Waxa uu intaa raaciyey in sidoo kale ay ku raad jooggaan dil Degmada Wardhiigleey loogu geeystay qof rayid ah, isla markaana ciidammada Booliska ay ku howlan yihiin dabagalka kooxaha arxan laawayaasha ah ee ficilladaasi Muqdisho ka geystay.
Axmed Xasan Maalin ayaa farta ku fiiqay in hey’adaha ammaanka dowladda ay si adag ugu howllan yihiin baaritaannada iyo soo afjaridda dilalka sida micna darrada ah loogu geysanayo dad aan waxba galabsan, dhawaanna gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii arrintaasi ka dambeeyey.
Maalmahan xaaladda amni ee caasimadda aad ayeey u hagaagsaneyd, iyadoo ciidammada amniga dowladda ay si joogta ah howlgallo uga sameynayeen degmooyinka gobolka Banaadir, hadda mararka qaar waxaa si gaadmo ah magaalada uga dhaca dilal ay soo maleegaan kuwa nabadda diiddan, ficillada sidan oo kale ahna waxaa ku caan baxday kooxda argagixisada ah ee la dhabar jabiyey ee Shabaab.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10150