Gaalkacyo oo lagu gubay Lacago False ah. (Sawiro)
Agaasimaha maamulka lacagta ee gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf (Gaada-yare) iyo guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Maxamuud Yuusuf Tigey oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen lacag shiling Soomaali iyo Doollar Faalso ah isugu jira , lacagtaas oo markii la qabtay isla markiiba ay ku gubeen guddaha magaalada Gaalkacyo.
Masiiluyiintan ayaa sheegay in lacagtan ay ka koobnayd 50 milyan oo shilin Soomaali ah iyo 130,000 oo doollar oo been abuur ah, iyadoo lagactaas la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Maxamuud Yuusuf Tigey ayaa shacabka Puntland ee degan magaalada Gaalkacyo uga digay inay isticmaalaan lacagaha noocaan oo kale ah ee Faalsada ah oo lagu dhacayo hantidooda, waxaana dhanka kale uu sheegay Agaasimaha maamulka lacagta ee gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf (Gaada-yare) in laga digtoonaado khatarta lacagahan , maadaama la doonayo in lagu banaysto dhacida hantida shacabka Puntland, il gaar ahna ay shacabku u yeeshaan dhibaatooyinka kaga imaanaya lacaga Faalsada ah.
Sikastaba, dowlada Puntland ayaa loo maleeyaan in waqtigan ay aad u adkaysay kantaroolada muhiimka ah ee laga soo galo deegaanada Puntland, waxaa bilihii ugu danbeeyey Puntland xuduudadeeda dhanka Bada iyo Berigana lagu qabanyey Allaabo konratobaan ah oo isigu jira Khamri iyo hub laga soo gelinayey xuduudaha Puntland, kuwaas oo si si fiican ay xakamaysay Puntland, kuna guulaysteen inay wax ka qabtaan.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10157








