|

Howlgalo Dad lagu Soo qab qabtay oo Muqdisho ka dhacay.

Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waaberigii saakay degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ka sameeyey howlgal lagusoo qab qabtay dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 50 ruux.

Howlgalkan oo looga golleeyahay xaqiijinta ammaanka degmooyinkaasi ayaa waxa ay Ciidammada Booliisku u baarayeen guri guri dhamaanba guryaha ku yaala labadaasi xaafadood ayadoo baaritaankaasina ay Ciidammadu kusoo qabteen dad la tuhmayo iney ka tirsan yihiin kooxda  Al-Shabaab.

Gudoomiyaha maamulka degmada Xamar Jajab Mudane Maxamed Cali oo la hadlay saxaafadda howlgalka kadib ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu baadi goobayey firxadka Al-Shabaab ee iyagu ka yimid gobollada dalka ee caasimadda ku dhex dhuumaaleysanaya shacabkeeda waxaana uu intaa ku daray in raga maanta gacanta lagusoo dhigay ay ku jiraan kuwo falal cad lagu hayo kuwaasina ay cadaalladda mudan doonaan halka kuwa aan dembiga la heynna lasii deyn doono.

Howlgalkan maanta ay ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ka fuliyeen degmooyinka deriska ah ee Xamar Jajab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa yimid kadib markii ay xalay kooxo hubeysan dil ugu geysteen mid ka mid ah degmooyinkaasi abwaan dalkeenna caan ka ahaa.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10195

Posted by on Oct 30 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented