Kibaaki :Ereteriya waa in ay ka shaqeysaa Nabada Soomaaliya hadii lagu soo celinaayo Fadhiyada IGADA.
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo shalay magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ka hadlay ayaa waxaa uu u soo Jeediyay dowladda Ereteriya in ay gacan ka geysato nabadeynta Soomaaliya ka hor inta aysan dib ugu soo laabadan xubin nimadii ururgoboleedka IGAD oo hore looga saaray.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan jeediyay ka dib Kulan uu la qaatay Danjiraha Dowladda Ereteriya u fa dhiya Dalka Kenya.
Danjiraha Ereteriya ayaa la sheegay in madaxweynaha Kenya uu u gudbiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkaasi, taas oo uu ku dalbanayay in dib loogu soo celiyo Xuninnimadii Ururgoboleeedka IGAD, hase yeeshee madaxweynaha Kenya ayaa ku celceliyay in lagama maarmaan ay tahay in Ereteriya ay marka hore taageerto Nabadeynta Soomaaliya.
Dalka Ereteriya ayaa hore looga saaray xubinnimada ururgoboleedka IGAD oo ay ku mideeysanyihiin waddamada Afrikada Barri, kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto Dowladdasi Kooxaha amaan darada ka wada Soomaalioya Sida Al-Shabaab.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10178