|

Odayaasha Hawiye oo ku baaqay in wasiirada aan laga yareynin 18.

Axmed Diiriye Cali oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa baaq ujeediyay Dowladda cusub ee Soomaaliya kaasi oo ku aadan xukuumadda cusub ee dhawaan lasoo dhisayo.

Isaga oo la hadlaye warbaahinta  ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon Saacid uu ka codsanaayo in wasiirada cusub ee lasoo dhisaayo aan laga yareen 18-wasiir.Wuxuu sheegay in loo baahan yahay soo dedejinta Dhismaha Dowladda cusub ee dalka Soomaaliya maadaama sida uu sheegay dalka uu u baahan yahay Dowladnimo.Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dalka uu ubaahan yahay isbedel islamarkaana isbedelka uu noqdo mid mira dhala.

Ugu dambeyn Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in madaxda dalka Soomaaliya marwaliba ay ujeedinayaan talooyin ku aadan horumarka dalka Soomaaliya,hadii laga qaato iyo hadii aan laga qaadan intaba.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Mr.Saacid ayaa looga fadhiyaa soo dhisida Xukuumad tayo leh,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xukuumadda lasoo dhisayo ay noqon doonto xukuumad kooban.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10172

Posted by on Oct 30 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented