|

Dad ku geeriyooday biriq Gobolka Galgaduud.

Sadex qofood oo ayaa ku geeeriyootay Laba kalena wey suuxeen kadib markii ay ku dhacday Biriq ama Danab ka dhashay roobab saacado badan socday oo xalay ka da’ay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Mid ka mid ah ehelada dadka geeriyooday oo la soo xiriiray Radio Muqdisho ayaa sheegay in Sadexda qof ee ku geeriyootay Biriqda ama Danabka ay ka tirsanaayeen hal qoys oo xoolo dhaqato ah,  kuwaas oo dhammaantood ahaa haween, wuxuuna intaa ku daray in Laba gabdhood oo kale ay suuxsanyihiin ilaa saaka loona soo qaaday Cisbitalka guud ee degmada Ceeldheer.

Biriqda ama Danabka ay ku geeriyooday Sadexdan ruux ayaa ka dambeeysay Roobab mahiigaan ah oo shalay ilaa xalay ka da’ayay degmada Ceeldheer iyo nawaaxigeeda in kastoo aan la soo sheegin qasaare inta ka baxsan oo ka dhashay Roobabkaasi, waxana la sheegay in dadka geeriyooday ay ku wadajireen hal Aqal Soomaali  deegaanka bannaanka loo yaqaanno ee waqooyi bari kaga toosan degmada Ceeldheer.

Dhinaca kale roobabkan ka da’ay degmada Ceeldheer ayaa waxaa ku diirsaday Dadka iyo duunyada, wuxuuna roobku xareedda waray deegaanno aad u ballaaran oo in muddo ah ay ka jirtay abaar daran oo sameyn adag ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10215

Posted by on Oct 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented