|

Taliyihii Ciidamada Dowlada ee Baladweyn oo la qaarajiyey.

Askari ka tirsan ciidamada Dowlada ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo waramayaa  in uu toogatay Taliyhii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Magaalda Baladweyn ee Gobolka Hiiraan.

Askarigaan dilka u geystay Taliyaha Ciidamada Dolwlada ee Baladweyn ,ayaa waxaa lashegay in uu ka mid ahaa kooxo ka tirsan Ciidamada Dowlada oo gadood sameyey ka dibna dhigatay is baaro .

Tiliyaha Ciidanka Bolice ka ee saldhiga Magalada Baladweyn oo lagu magacaabo Cali Dhuux ,ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in uu ka dhacay dilka Buundada liiq liiqato ee Magaalada Baldweyn hakaasi oo Taliyaha ladilay  ka qaadayey Isbaaro u tiilay Kox ka gadooday Ciidanka dowlada.

Arkariga Dilka geysatay ,ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu goobta ka baxsaday iyadoona la soo xir xiray Qaar kamid ah Koxdii Isbaarada dhigatay Buundada Liiq Liiqato ee Magaalda Baldweyn.

www.qubanaha.com

qubanaha@yahoo.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=10228

Posted by on Oct 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented