|

Fadhliga soomka malinta caashuurada(By Ustaad Osman S. Hersi).

All-ahlusunna: Ilaaheey baa mahad iska leh allahaasoo koonka oo idil abuurey ahna soo jireen waligii jirey aan billoow laheyn jirina doona oo aan dhammaad laheyn. tilmaantaasna eey isaga keligii ku gaar tahay kana yeeley maalmihiisa maalmo uu si gaar ah uu u weyneeyey. Nabi Muxamed nabad iyo naxariis korkiisa allaha ka yeelo, sidoo kale asxaabtiisa iyo intii racdey jidkiisa toosan ammin!

Kadib; Maalmaha ilaahey ee billowga sanadda hijriyada ee ilaah barakeeyey waxaa kamid ah maalinta tobnaad (yowm al-caashuuraa) ee bisha muxarram(bisha koowaad ee sanadka hijriyada) waana maalin lasoomo waana sunno qofkii soomaana sanad loo danbi dhaafaayo.
Maalintaan caashuura waxaa ay iska ledahay taariikhda waxyaabo lagu xasuusto oo waliba macnayaal weyn ku fadhiya waxaana kamida ah:-
1-Waa maalintii aadam iyo xaawo ay towbadkeeneen oo ilaah udanbi dhaafay oo ay yirahdeen sida kitabka ilaah ku xussan eebbe weynaaye oo kor ahaaye sida tan: (rabbigayagoow waxaan dulminay naftayada haddaadan inoo danbi dhaafin oo aadan inoo naxariisan waa hubaal in aynu noqoneyno kuwa qasaaray) eeg aayadda 23 /al-acraaf.
sidoo kale waa maalintii nabi aadan dhulka lasoo dajiyey oo lakeenay isaga iyo abooto xaawo.
2- Waa maalintii Nabi Nux CS uu ilaah ku bad baadshey doontiisa isaga iyo inta rumeysey intii kalena uu ilaah biyaha ku qar-qiyey.
3-Waa maalintii Nabi muuse CS isaga iyo qoomkiisa ilaah bad-baadiyey ..fircoon iyo qoomkiisiina uu ilaah haligay biyahana ku qar-qiyey.
4-Waa maalinti uu uu rasuulkii yuunis bin Mattaa ilaah bad baadiyey isagoo kusugan badda gunteeda iyo waliba caloosha nibiriga markii uu ilaah baryey oo uu yiri sida ku xusan kitaabka eebe weynaaye oo kor ahaaye sidatan:-(ilaahow ilaah aan adiga aheyn majiro adaa weyn aniguna waxaan ahadey kuwa naftooda dulmiyey ) bal eeg waa rasuul hadana ilaah buu danbi dhaaf weydiisanaayaa Yuunis nibiri baa laqay oo uu sedex maalin calooshiisa ku jiray oo ilaah ku baryaayey mugdiga caloosha ducadda kadib baa ilaah amray nibirigii in uu soo tufo markaa maalintaa caashuuraa bey iyadana aheyd.
5-Waa maalintii uu ilaah nabi sulaymaan CS siiyey mulkiga weyn iyo boqortooyada .
6- Waa maalintii uu nabi ayuub oogadiisa dhibka ilaah ka qaadey iyana maalinta caashuuray aheyd  markii uu sabur iyo ilaah baryi layimi .
7-Waa maalintii uu dhacay gazwadii(dagaalkii)loo baxshey Daata Ruqaac ee ilaah bad baadiyey nabi Maxammed iyo asxaabtiisa gaaladana ilaah rucbi quluubtooda ku tuuray .
8-Waa maalitii uu shahiidey imaam Xussein bin Cali  waxeyna aheyd dhacdo xanun badan oo soo wajahdey muslimiinta caalamka mesha lagu dilayna waxaa ay aheyd Karbala, maalin jimco ah oo ku beegneyd tobanka muxarram sanadii 61 hijriyada.
Dhammaan dhacdooyinkaas waxaa ay wada ahaayeen sida culimada islaamka inoo sheegeen dhacdooyin dhacay maalinta tobnaad ee bisha Muxarram(yowm caashuuraa).

Waxaana ay wada ahaayeen nimcoyinkaas kuwo lagu mahaddiyay ilaah marka laga reebo dhacdadii imaam hussein oo iyadu murugo reebtey maalintaas iyada ah waxaa labadiyaa ducada oo ilaah danbi dhaaf badan laweydiiyaa Qur’aanka aqriskiisana labadiyaa in badan-na ilaah loo mahadnaqaa..Axaadiitha ku soo aroortey maalinta caashuuraa:-
1- Waxaa uu soo saaray muslim xadiith uu soo wariyey abuuhureyra ilah haka raali noqdee in nabigu yiri salla laahu calyhi wassalim sidatan:-(soonka ugu fadli badan bisha ramadaan kadib; waa bisha ilaahey ee lagumagacaabo muxarram salaadahana midda ugu fadli badan salaada faradka kadib; waa salaadda laylka(habeenkii saqda dhexe).
Ogaada waxa laga hadlahayaa waa bil laakiin maalmaha volenterska loo soomaa baa ah kuwo fadli badan sida maalinta Carafaad ama tobanka Dil Xajj ama lixda maalmood ee Shawaal.
2-Waxaa ku xussan saxiixeynka in ibn cabaas uu yiri sidatan;(rasuulkii ilaah baa yimi madiina markaasuu lakulmay yuhuuda oo sooman maalinta Caashuura markaasuu rasuulkii ilaah iyagii ku yiri waa maxay soonakan aad idinku sooman tihiin markaa bey ku yirahdeen waxaa ay inoo tahay maanta maalin weyn waana maalintii uu ilaah bad baadiyey Muuse iyo qoomkiisa uu ilaah ka bad baadiyey fircoon, fircoon iyo qoomkiisiina ilaah qariqay Muusana uu markaas soomay isaga oo ilaah bad baadintaa ku mahadinaaya saas baana annaguna usooman-nahay,markaasuu rasuulkii allana ku yiri iyagii:-”annagaa idinka mudan muuse idinkagana xaq leh idinka) macnaha soomkaas aad sooman tihiin annaga idinkaga mudan weeye micnaha .Ogaadda nabiga ma’uusan oran waan idinkaga dayaneynaa bal eeg Oraahda ah “innaga taa idinka idinkaga mudan ” waana hadal micna weyni ku qottomo.
3-Isla saxiixeynka waxaa ku xusan in nabigu yiri sidan:-(malinkaan issaga ah ee maalinta Caashuuraa ilaah idiinma qorin si waajib ku ah kor kiina soomkeeda, qofkii doona hasomo kii doonana ha afuro)
Kitaabka ibn axmed ee ah (musnadkiisa) waxaa kusoo arooray sidatan:-(nabiga ayaa soo maray dadyoow yuhuud ah oo dhabtii soomanaa maalinta caashuuraa markaa buu ku yiri iyagii waa maxey soonkiinakan, markaa bey ku yiraahdeen; waa maalintii uu ilaah bad-baadshey Muuse calyhi salaam iyo reer banuu israa’iil oo uu ka bad-baadshey qariqa; waana maalintii uu ilaah Fircoon qariqay oo maantana waa maalintii uu ilaah; doontii Nuuxna bad-baadiyey Nuux iyo Muusana ay soomeen calayhima salaam iyagoo ilaah u mahadnaqaaya ilaah wenaaye oo kor ahaaye; markaa buu yiri nabiguna :- ”anaa idinka idinkaga xaq badan oo idinka mudan Muuse idinkagana xaqleh oo idinkaga mudan soomka maantadan ah ,waxaana uu ku amray asxaabtiisa in ay soomaan).4-Saxiixul muslimkana waxaa kusoo arooray in abii qattaadah soo wariyey in nin uu weydiiyey nabiga soomka Caashuuraa nabiguna uu yiri:-( waxaa looga kaffaaro qaadahayaa qofkii sooma sanadkii tagey ).
5- Waxaa kaloo iyana sunna ah in lasoomo maalinta sagaalaad oo ah maalin kahor malinta tobnaad ee bisha Muxarram saana waxaa ku soo arooray xadiithka nabiga waxaana uu yiri sidatan:-(haddii uu ilaah nolosha igu baaqi yeelo kan foodda inagu soo haya (sanadka soo socda) waan soomi oo waa aan soomi sagaalka).muslim baa saana soo wariyey laakiin nabiga magaarin oo ilaah baa oofsadey saaseyna culimada usuneeyeen sagaalka in lasoomo oo lagu daro markaas tobanka oo labaduba laysku soomo.
Culimadu qaar waxaa ay yirahdeen xikmadda ku jirtaayi in lasoomo sagaalka waa marka koowaade waa iyadoo laga gaashamanaayo in qalad yimaada oo ah dhalashada bisha horaanteeda si loo sugo sunada soomkaas isaga ah marka xigtana khilaaf lakhilaafahayo gaalada yuhuuda waayo iyaga tobanka kaliya bey soomaan markaa annaga haddaanu nahay muslimiin wa in aan laba maalin soonaa.
Laakiin shiikhayaga sh. Imaam Shaafici waxaa uu ku sheegay kitabkiisa (al-ummu wal-imlaa,a)in ay sunno tahay in haddii uu qofka haleeli waayo maalinta sagaalka in ay iyana sunno tahay in lasoomo oo lagu daro maalinta kow iyo tobnaad oo markaa lays raacsho maalinta tobnaad iyo kow iyo tobnaad.
Waxyaabaha aanu ka faa’idney haddalada uu nabigu inoogu sheegay in lasoomo maalinta Caashuura waa sidan:-
1- In ay banaan tahay in ilaah lagu mahadiyaa haddii uu ilaah nimco innagu manneysto nimcadaasna aan xusi karno sanadkii halmar ah ama haddii uu ilaah innaga xijaabo balaayo oo uu ilaah ina bad-baadiyo in aan ilaah ugu mahadnaqi karno sanadkiiba mar waliba maalintaa maalinteda kale sanadkiiba .
2-Waxaa kaloo laga faa’iidayaa in xuska laxusaa nabiga dhalashadiisa ay tahay mid iyada wax walbaba ka mudan waayo nimco kaweyn nimcooyinka aan soo sheegnay -dhalashada nabigeena-maba jiri karto nimco taa kaweyn oo ilaah lagu mahadiyaa markaas in laxusaa sanadkiiba mar iyana waa mid ku banaan marka ilaah lamahadinaayana waa cibaado kamid ah cibaadaadka ilaahey ama soon ama Qur’aan aqri ama duceyso ama raashin bixi ama taariikhda maalintaa weyn ka sheekee oo xus dhammaan waa cibaadadka waa isku wada mid.
3- Waxaan kaloo kafahmeynaa casharkeenaas isna in ay tahay wax haboon in aynu khilaafno gaalada waayo nabigu waxaa uu yiri (waan soomahayaa oo waa aan soomi sagaalka bisha muxarram haddan gaaro)waxaana uu rabey in uu nabigu laba maalin israacsho ama sida uu inoo shegay shiikha naga Sh. Imaam Shaafici oo ah in qofkii soomi waayo sagaalka oo haleeli waya uu soomo labada kale waa tobanka iyo kow iyo tobanka Muxarrame.
4- Waxaa lagasoo wariyey Imaam Axmed iyo Nassaa’ii iyo ibn Xibbaan oo ay kasoo wada wariyeen Um-Salimah in nabigu uu ahaa mid sooma maalinta Sabtida iyo Axadda, labadaas maalin-na uu ugu soom badnaa maalmaha kale ee caadiga ah, waxaana uu nabigu oran jiray sidan “labadaasi maalin waa maal-maha ciidda gaalada anna waxaan jeclahay in aan iyaga khilaafo”
Yacni nabigu jimcaha ayuu san soomi jirin labadaas maalin ee ay gaaladu fasaxa yihiin oo ay weyneeyaana nabigu waa uu soomi jiray halkaana waxaa ka cad in nabigu inagu tacliiminaayey in aanu khilaafno gaalada.

Waxaa diyaariyey culimada ahlu-sunnah waljamaacah.
Ustaad Osman S. Hersi.
cismaaneey@live.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=11793

Posted by on Nov 21 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan