Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Soomaaliya oo guuldarro kala kulantay kulankii labaad ee CECAFA Tusker Cup

Xulka qaranka Kubadda cagta Soomaaliya oo ka qeyb galaaya, tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee ka socda Kampala, ayaa galabta kulankoodii labaad 1-0 looga badiyay markii ay la ciyaareen dhiggooda Sudan.

Inkastoo Soomaaliya laga adkaaday laba kulan, haddana wali rajo ayay ka leedahay in ay kasoo gudubto qeybt B oo ay kula jiraan Tanzania, Burundi iyo Sudan.

Burundi ayaa galabta xaqiijisay in ay soo baxday markii 1-0 isaga reebtay Tanzania kulankii labaad ee qeybta B, iyadoo yeelatay 6 dhibic.

Sudan iyo Tanzania ayaa min 3 dhibic leh, halka Soomaaliya aaney wax dhibco ah ka laheyn.

Soomaaliya kulankeeda ugu dambeeya ee qeybt B, waxa ay la cayaari doontaa Tanzania 1-da December.

Tartanka sanadkaan waxa ka qeyb galaaya 12 xul oo ka tirsan CECAFA, waxaana la soo gaba gabeyn doonaa 8-da December.

by, Ibrahim gedow Awale (Biibbo), Nairobi_kenya, injineerka3@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12425

Posted by on Nov 28 2012. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented