|

Messi , RONALDO IYO INIESTA OO ISUGU SOO HARAY TARTANKA BALLON D’OR(BY LIIDA)

Ciyaaryahanka rug cadaaga ah Messi ayaa hor kacaya laacibiinta Ronaldo iyo Iniesta tartanka Laacibka aduunka.

Lacibka Brcelona Lionel Messi ayaa haatan qarka usaaran in uu jabiyo record kii uu dhigay Gerrard Muller oo dhashay wadanka Germany una ciyaari jiray kooxda Bayern Munich, Muller Waxuu dhaliyay 85 gool Messi ayaa asna haatan dhaliyay 82 gool, Messi ayaa haatan ubaahan In uu dhaliyo 4 gool si uu u dhaafo Muller.

C.Ronaldo oo asna  quud dareenaya in uu mar un ku guuleysto abaal marinta ah Ciyaaryahanka dunida ugu laacibsan laakin inkastoo labada ay barbar socota laacibka asna kula Jira tartanka laacibtinimada waa ciyaaryahan Iniesta oo asna ah qofka sedexaad ee la Tartamaya Messi iyo Ronaldo.

Ronaldo ayaa kooxdiisa kula guuleystay xili ciyaaredkii dhamaaday horyaalka Spain inkastoo Ciyaaryahankan uu la lool tamayay laacibka kooxda Barcelona waa ciyaaryahan Messi oo Goolal badan kuqaaday gool dhalin kaba Spain La Liga.

Ronaldo ayaa ahaa kaptankii xulka Portugal iyo ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa ee xulka Portugal waxuuna kooxda gaarsiiyay ilaa iyo semi-final inkastoo rigoorayaal lagu reebay Waxaana rigoorayaasha kaga badiyay xulka haatan qaaday Euro Cup waa xulka Spain.
Iyadana waxaa meesha ka marneyn Iniesta oo asna ahaa laacibkii u horseeday xulka Spain in Ay ku guuleystaan Euro 2012.
Iniesta ayaa loo doortay laacibkii ugu wanagsanaa gabi ahaanba tartankaas.

Dadaba waxaa la war sugi doonaa cid ku guuleysan doonto awaal marintan laacibka Ballon D’or.

Fetah Ali(liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12598

Posted by on Nov 30 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan