ibrahim
|

Raheem Sterling oo ka caga jiidayo heshiska cusub ee Liverpool sababta maxee tahay(by liida)

Ciyaaryahankan u ciyaara kooxda Liverpool da diisuna tahay 18 jir ayaa lagu wadaa in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda Liverpool, laakin taa ayaa noqotay mid uu ka caga jiido laacibkan da’da yar.

Inkastoo macalinka kooxda Liverpool uu cadaadis ku saarayo ciyaaryahanka in uu si dag dag ah uu u saxiixo heshiiskan cusub.
Ilo ku dhaw dhaw Raheem”sidee Raheem u saxiixayaa, wax uu saxiixo meesha maba yaalaan”

Asagoona ula jeeday hadalkaa in Raheem lacago fiican aan loo soo ban dhigin sidaa darteed Raheemna dib ayuu u dhigtay saxiixa Heshiiska cusub.

Raheem haatan waa leen up ka ama waa ciyaaryahan lagu bilaabo cayaaraha ay ciyaarto kooxda Liverpool.

Sidoo kale Sterling ayaa loogu yeeray xulka England in uu ka mid noqdo taana waxee cadeyn u tahay Sterling in uu yahay ciyaaryahan Da yar laakin qibrad sports leh kartina leh.

Raheem ayaa kooxda Liverpool kaga soo biiray kooxda QPR sanadii 2010 xiligaa oo Sterling uu jiray 15 sano.
Kooxda Liverpool ayaa haatan u baahan in ay heshiis cusub la saxiixato ciyaaryahankan da da yar laakin karti u leh ciyaaraha kubada Cagta,sterling waa ciyaaryahan garabka ciyaara ama garabka midig waana ciyaaryahan sida uu doono ugu ganbiya daafacyada kasoo Horjeeda.

haatan waxaa laga war sugi doonoo halka uu ku dhamaan doono hadaladan kasoo yeerayo kooxda liverpool iyo Sterling.

Fetah Ali(liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12619

Posted by on Dec 1 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan