|

Xaflad casho sharaf iyo soo dhoweeyn ah oo Gothenburg loogu sameeyay macalinkii Qodxaalay Maxamed Faarax + Sawirro

(Gothenburg) 02 Dis 2012   Waxaa xalaytoole magaaladan Gothenburg ku qabsoomay xaflad lagusoo dhoweeynayay Maxamed Faarax Maxamed oo ka mid ah ragga haatan ka dhex muuqda kubadda cagta Soomaalida oo soo gaaray magaaladan Gothenburg.

Xafladda oo ay kasoo qaybgaleen maamulka labada kooxood ee Somalisk SK iyo Neutrala IF iyo qaar ka mid ah laacibiintooda ayaa waxaa soo abaabushay Sacdiyo Maxamed Furre (Sacdiyo Soomaali) oo ah fanaanad qaran oo ka tirsanayd kooxda Horseed ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Micraaj.

Waxaana xafladda oo ku dhacaysay jawi saaxiibnimo iyo mid is barasho waxaa ka hadlay inta badan maamulka labada kooxood iyo marti sharaftii kale oo ay ka mid ahaayeen Cali Yare Gaani, Macalin Aadan Oor, Ibraahim Qalinle, Maxamed Xuseen (Qaaluu),  Maxamed Diini, Macalin Faagte, Macalin Yoonis iyo Macalin Cumar.

Waxaana xafladda ka mahadceliyay Maxamed Faarax oo bahda isboortiga Gothenburg iyo guud ahaanba qurbaha ku boorriyay inay ku dadaalaan sidii ay saameyn wanaagsan ugu yeelan lahaayeen is walaashiga, midnimada iyo waxtarka guud. ”Been idiin sheegi maayee qabyaalladii Soomaaliya qurbaha ayaa loosoo safriyay” ayuu yiri Maxamed Faarax oo caddeeyay in gudaha dalka aysan dadku haatan xiise badan u qabin qabyaalad iyo qoqob balse uu la yaabay midda ka jirta qurbaha.

Xafladdan casho sharafta ah ayay sidoo kale maamulka labada kooxood ee Soomaalida ah ee ka dhisan magaaladan Gothenburg waxay ku gudoonsadeen inay sameeyaan iskaashi iyo iska warqab ka wanaagsan midka ay haatan sameeyaan iyagoo codsaday inay taageero isu muujiyaan marka ay midkood ciyaarayso iyadoo sanadkan ay kooxda Somaliska SK ay usoo baxday heerka 6-aad ee dalkan Sweden.

Ugu dambayntii ayaa gudoonka kooxda Somaliska SK Md Ibraahim Qaline wuxuu abaalmarin gudoonsiiyay Maxamed Faarax oo ahaan jiray kabtankii kooxda Qodxaalay oo uu markii dambana macalin u noqday.

Maxamed Faarax ayaa sidoo kale ka mid ahaa Junyarkii kooxda Horseed ee xoogga dalka oo uu kula guulaystay koobka da’yarta oo ay Horseed qaaday sanaddii 1984-kii.

 

W. D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

 Gothenburg

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12756

Posted by on Dec 2 2012. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan