|

Benitez iyo taagerayaasha Chelsea maxaa kala heysta? (by liida)-aqri warbixinta

tababaraha cusub ee kooxda Chelsea Benitez ayaa jahwareer ku yimid ka gadal markii uu qabtay jagada macalin nimada ee kooxda Chelsea oo ilaa haatan wax guulo ku ool ah uusan gaarsiin Asagoona horay ubalan qaaday in guulo wax ku ool ah uu gaarsiin doono.

Benitez ayaa kulan waliba  qeylo kala kulma taagerayasha Kooxda Chelsea ayagoona kalsooni aan ku qabin macalin Benitez waxeena ku andacoonayaan In aflagaado uu u geystay xili uu Benitez hogaaminayay kooxda Liverpool.

Ciyaartii ugu danbeysay ee kooxda Chelsea ay la ciyaartay kooxda West Ham aya kulankaas Laga badiyay kooxda Chelsea waxeena ciyaartaas ku dhamaatay 3-1.

Ciyaartaa kadib Benitez ayaa u sheegay warbaahinta in asaga xitaa uusan ku farax saneyn guul Daradaas soo gaartay laakin uu ku dadaali doono sida guulo wax ku ool ah ay u gaari lahaayen.

Benitez ayaa dhowr goor kusoo cel celiyay in kooxda Chelsea aysan laheyn wax kalsooni ah Loona baahan yahay in ay muujiyaan kalsooni si ay ula tartamaan kooxaha kale inkastoo xitaa Uu xusay in xiligii mourinho uu macalin ka ahaa Chelsea ay aheyd koox kalsooni ciyaarta Laakin haatan Chelsea wax kalsooni ah malahan ayuu yiri.

Isku soo wada doob su aasha dad badan oo taageera kooxda Chelsea ay isweydiin karaan Waxee tahay Benitez hadii asna sidaan uu kusii socdo oo kooxda Chelsea mar waliba laga Badiyo amaba wax guul ah uusan keenin masii joogi doona kooxda Mise waa la eryi doonaa.

Fetah Ali (liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12776

Posted by on Dec 3 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan