|

Aniga iyo Adiga Keebaa Dirac Ah? (Maqaal)

Ereyga ‘Dirac’ waxay Soomaalidu ugu yeertaa qofka Geesiga ah ee aan la quuri Karin, laakiin waxaa isweydiin mudan qofka ay soomaalidu geesi u taqaano, sida taariikhda lagu hayo welina saansaankeedu muuqdo soomaalidu waxay geesi dirac ah ku tilmaantaa ninka ku wanaagsan dirirta isla markaana maalinta fagaare loo baxo aan dib u jeesan ee indhaha iyo dhegaha istira oo halka raggu ku hardamayo bartanka ka istaaga, qofka noocaa ah ayay Soomaalidu ugu yeertaa dirac dirac dhalay iyadoo lagu dhiiragelinayo in uu mar waliba u taagnaado difaaca reer ehebel ilaa uu nafta ka waayo.

Wadadaas waxaa ku barbaaray da’ yarta maanta joogta qaarkood oo weli u haysta geesinimadu in ay ka bilaabato maalinta qori gacanta loo geliyo ee uu dhowr qasanadood ku faarujiyo goob dagaal uuna naftooda dhaafiyo masaakiin aan waxba galabsan, labo ka mid ah ragga geesinimada sida qaldan u fahmay ayaa sheekeystay waxaa ka mid ahayd hadaladii ay isweydaarsanayeen “Saaxiib ninkii ehebel ahaa ma maqashay suuqa ayuu soo galay oo ninbuu durbadiiba ku tegay, wallee waa geesi aan sii jeesan”, kii kale ayaa ku jawaabay “War naga daa kaa geesi ma ahane, ma waxaa u maleysay in uu nin dilay, tixsi ayuu dilay”, oo markaa ula jeedo in uu dilay nin miskiin ah oo aan ka dhalan beel hubeysan.

Labo wiil oo dhallinyaro ah ayaa jid isaga hor yimid, si weyn ayay isku garanayaan, meel ayay ku soo wada koreen, balse isku jiho ma ahan oo ninba dhan ayuu abaaray, labada wiil waxaa markii hore la wada geeyey dugsi qur’aan balse mid ka mid ah ma dhameysan qur’aankii waana uu isaga tagay dugsiga waxa uuna ku xirtay rag ku can baxay falalka xun oo dhiigga ku qubeysta isla markaana balaayo u joog ah dhowr barood oo lacag baad ah lagu qaadana gacanta ku haya, waxayna gacanta u geliyeen qori waxaana laga bedelay magaciisii waxaana loo bixiyey ‘Ma Jixinjixe’, halka kii kale uu ka aflaxay dugsigii isla markaana uu sii watay waxbarahada ilaa uu ka gaaray tacliinta sare, markii ay wada isku arkeen ayaa Ma Jixinjixe yiri “Waw saaxiib yaaba il ku saaray xaggee gashay ninyahow, waa maxayse qashinkaan aad ku raran tahay, maxaase haysaa oo aad qabataa?”, wuxuu ugu jawaabay “Saaxiib meel ma jirin waan joogay, mideeda kale qashin ma wado ee waa buugaagtii aan wax ku baranayey maxaa yeelay waxaan dhigtaa Jaamacad haddana waan socdaa oo waqti ma hayo ee waa inoo mar kale”.

Kama uusan wareegin balse waxa uu u sii raaciyey “Saaxiib intaad buugaagtaan waaweyn ku rarneyd ayaa asaagaa faa’iideystay sow iima jeedid horumarka aan gaaray, saaxiibow maxaa kaa reebay in aad horumarkaan oo kale gaartid”, wiilka ardayga ah oo yaaban ayaa yiri “Saaxiib waa maxay horumarka aad gaartay?”, Ma jixinjixe ayaa yiri “Waxaan u taliyaa dhowr barood, waxaan leeyahay qorigaan aad u jeedo, sidoo kale baabuur aan meel walba ku aadi karo ayaan leeyahay, waxaa intaa ii dheer waxaan ahay Geesi la tixgeliyo, balse adiga waxaa weli tahay ciyaal maamo oo hooyo canjeero isii ayaad joogtaa, waan ka xumahay saaxiib sidaan kuguma fiirsan karo ee i soo raac aad sideydoo kale Dirac noqotide”.

Halkaas waxaa ka dhalatay dood dheer mar haddii Majixinjixe ku dooday in uu yahay Dirac geesi ah, ardaygii ayaa ku jawaabay “Ma jixinjixow iima muuqdo wax horumar ah oo aad gaartay balse waxaa gashay mugdi oo aad weli ku sii socoto, mideeda kale geesinimada aad sheegtay ma in aad ummadda laysaa oo aad qorey ku faanto, waxaanse ku weydiiyey Geesi maxaa u taqaan?”, ma jixinjixe oo isku kalsoon ayaa yiri “way caddahay in aan geesi ahay maxaa yeelay geesi waxaa la yiraahdaa ninka xaqiisa dhacsan kara oo aan asaagiis dhabarka u jeedin sida aniga oo kale, markii dagaal la aado waxaan ahay ninka dadka ugu horeeya, waad og tahay in odoyaasha xaafadda i soo raadiyaan haddii xaafadda la soo galo basle adiga yaa ku soo raadsanaya maxaa yeelay wax aad tari karto ayaanba jirin oo fuley ayaad tahay”.

Labadii dhallinyaro ayaa isku mari weysay hadalkii waxa uuna nin waliba hoosta ka xariiqay in uu isagu geesi ayahy, ardaygii ayaa ku doodayey in uu u soo dul qaatay inuu wax ku barto dal burburay isla markaana ka faa’iideysto waxbarashada tayada buuran aan laheyn ee dalka ka jirta isla markaana ay gacantiisa iyo afkiisaba ka nabad galeen ummadda Soomaaliyeed taasina ay tahay midda uu isagu geesimo ku qeexi lahaa.

Haddaan u soo laabanayo Geesimo ama Dirac sidaan horey u soo sheegay soomaalidii hore waxay ugu yeeri jireen ninka u taagan difaaca qabiilka taa bedelkeedana ninka cilmiga raadiya ee isku daya in uu aqoon soo kordhiyo waxaa loo bixin jiray magacyo laga dheehan karo yasmo, haddaan taariikhda dib ugu laabanayo kacaankii warshadaha ee adduunka ka bilowday kadib waxaa jirtay kacaan kale oo ku aadanaa dhanka xidigaha iyadoo la sameystay Dayax-gacmeedyo badan waxaana kuwii ugu horeeyey la saaray Xayawaan si loo tijaabiyo markaa kadib kuwii xigay waxaa raacay dad oo naftooda ku biimeeyey si ay adduunka ugu horseedaan aqoon waxaana naftooda ku waayey dad badan oo taariikhdu xusto kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen geesiyaal wax badan adduunku uu ka dhaxlay, waa sax oo meesha waa ku jirtaa in la helo halyey dagaalama oo dulmiga ka hor taga balse waxaa qalad ah fasirka la qaatay ee ku saleysan in geesi lagu tilmaami karo qof kasta oo indha-adeyg u saaxiib ah una fiirsan waxa san iyo waxa xun, haddaba waa su’aal dadweyn oo madax daalineysa ee akhristow labada wiil keebaa dirac ah?.

W/D: C/raxmaan M. Aadan ( Dirham)

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12897

Posted by on Dec 4 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan