Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Muqdisho oo Kulan Caalami ah lagu soo gaba gabeyey.

Waxaa maanta ka dhacay  magaalada muqdisho shirki ugu horeeyay ee arimaha bini’aadanimada looga hadlayo kaasi oo ay wada yeesheen Dawlada soomaaliya iyo masuuliyiinta haya’adaha   qarama midoobay  oo  kala duwanb garayay ila 170 oo isku  jira kuwa deeqaha bixiya .

Shirkaas waxaa looga dhawaaqay  yabooh soconaya mudo saddex sano ah kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in dadka dhibaataysan ee gudaha soomaaliya ku nool ee dhibaatadu haysato oo ugu badan barakacayaasha iyo waliba kuwa kale ee u baahan  gargaar.

Shirka ayaa waxaa ka so qayb galay kusimaha wakiilka qaramada midoobay ee afrika iyo wasiirka  arimaha dibada iyo amniga qaranka ee Dawlada soomaaliya waana shirkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca muqdisho ,waxana loo baahan yahay ayaa la yidhi si xaalada deg dega ah ee ku soo wajahan soomaaliya looga hortago lacag gaaraysa 1.milyan oo dolarka maraykankan taasi oo hadii ay bixin waayay deeq bixiyayaashu ay imaan karto xaalada kale oo iyana u baahan in la wajaho.

Shirka oo ka dhacayay xarunta UNDP-da ee magaalada muqdisho  ayaa maanta ku ikaa .

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12939

Posted by on Dec 4 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented