Dad ku dhaawacmay Madaafiic lagu Ganay Warta nabadaiyoBoondheere
Dadka danyarta ah ee ku nol degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheer ayaa sheegay in xalay oo dhan iyo ay ku jireen walwal iyo cabsi, kadib markii madaafiic dad ay ku dhaawacmeen xalay Saqdii dhexe ay ku soo dhaceen degmooyinkaasi.
Ku dhawaad Shan madfac ayaa saqdii dhexe ee xalay ku soo dhacday xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheere, iyadoo mid ka mid ah oo ku dhacay xero barakac ay ku dhaawacmeen Sadex qofood.
‘’waxaan saaka soo maray meelihii ay madaafiicdu ku dhaceen saqdii dhexe ee xalay, waxaana arkay dhaawaca sadex qofood oo kaliya, mana jirin qasaare intaa ka badan’’ ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo ka mid ah wariyayaasha Radio Muqdisho oo saaka booqday meelihii ay ku dhaceen Madaafiicdaasi.
Ila hadda lama garanayo halka laga soo tuuray Madaafiicdaasi, saraakiisha ciidamada dowladduna faahfaahin kama aysan bixin.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12952