ibrahim
|

Mid ka mdi ah odayaashii soo xulay Barlamanka Soomaaliya oo la dilay.

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo aan la garan heebtooda inay toogasho ku dileen Nabadoon Maxamed Maxmuud Yusuf Cadey oo kamid ahaa 135-tii Oday Dhaqan ee soo xulay Xildhibaanada Barlamanka.

Odeydhaqameedka la dilay  oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Codeyayaa waxaa geridiisa ka naxay umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Shabelle in Dilka uu ka dhacay Galabta uu u dhow guriga uu nabadoonka ka deganaa Xaafada Naxteexo oo ku taalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana intaasi ay ku daraan in Kooxahii fuliyay dilka ay Goobta ka baxsadeen.

Lama oga ilaa hadda Cida dishay Nabadoonka iyo Sababta loo dilay, hase yeeshee Xariiro kala duwan oo ay Shabelle la samaysay Maamulka Degmada ayaa sheegay inay wadaan Baaritaano ku saabsan dilka oo ay dib ula hadli doonaan Warbaahinta.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13001

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan