Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Puntland o sheegtay in ay dileen koxo Al-shaabah oo Weerar Soo qaaday .

War saxaafadda loogu talo galay oo ka  soo baxay Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in si weyn ciidamada difaaca Puntland ay isaga caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen malayshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xalay saqdii dhexe (Arbaco) kooxda al-shabaab weerar ku soo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka difaaca Puntland, waxaana ay weerarka ka soo qaadeen dhawr jiho oo kala duwan, halka weerarku ka dhacay ayaa lagu sheegay agagaarka buuraleyda Galgala, inkasta oo wararka madaxa banaan sheegayaan in ay tahay goob aan wax badan u jirin tuulada Laag, halkaas oo la dhaho toga Sugurre.

Puntland ayaa sheegtey in ay ku dileen 7 ka mid ah kooxda al-Shabaab isla markaana hubkoodi laga qaatey, halka 14 kale oo dhaawac ah ay qaateen oo la galeen halkii ay ka soo duuleen. Dhanka Ciidanka difaaca ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in labo kamid ah ay dhinteen.

Dhanka kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay gaari sida ciidan ka tirsan Puntland ay miino la qaraxday, waxaana dhimasho iyo dhaawac soo gaarey 10 askeri. Horseed Media oo warkaan goor hore daabacdey ayaa loo xaqijiyey dhimashada 10 askeri iyo qaar kale oo dhaawac ah kuwaas oo saarnaa gaariga miinadu la qaraxdey, waxaana wararku sheegayaan in gaarigu gurmad u ahaa ciidanka weerarku qabsadey.

Puntland ayaa sheegaysa in ay aaminsan tahay in weerarada al-shabaab ay taageero buuxda ku siinayaan kooxo ujeedooyin siyaasadeed leh, kuwaas oo aan warsaxaafadeedka lagu sheegin, ma ahayn tan mid looga bartey Puntland in ay weerarada al-shabaab u jiheeyaan siyaasiyiin kale oo ujeedo siyaasadeed leh, waxaana la aaminsan yahay in tani qayb ka tahay muranka siyaasadeed ee Puntland hareeyey.

Dagaalka ka dhacay Gobolka Bari ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu ku sugan yahay magaalada Bosaso. Kooxda al-shabaab iyo Puntland ayaa horey ugu dagaalamay buuraha Galgala, bishi August 2010 ayey ahayd markii Puntland ku dhawaaqfey in laga xoreeyey Buuraha Galgala kooxda al-Shabaab laakiin muddo yar kadib waxaa bilowdey in buurahaas ay isku urursadaan al-Shabaab halka ay Puntland isaga soo baxdey.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12974

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented