|

Ricardo Kaka maxuu ka yiri lasii joogista Real Madrid? (by liida)

Ciyaaryahankan u dhashay wadanka Brazil una ciyaara kooxda Real Madrid ayaa shaaciyay ilaa Haatan inuusan garaneyn halka mustaqbalkiisa uu ku danbeyn doono inkastoo uu sheegay in Isfahmi waa uu dhex yaalo asaga iyo macalin Mourinho.

Kaka ayaa xalay ahaa kaptankii hogaaminayay ciyaarta Real Madrid ay la ciyaartay kooxda Ajax ee ka timid wadanka holland kuwaa oo lagu marti qaaday Bernabeu ciyaartaa oo kooxda Real Madrid ku badisay 4-1.

Kaka ayaa xalay wacdaro soo bandhigay waxuuna dhaliyay goolka sedexaad inkastoo xalay Ciyaarta ay aheed mid inta badan kooxda Real ay heesatay kubada hadana Kaka waxuu ahaa Ciyaaryahan xalay ka muuqday garoonka.

Kaka ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Real Madrid uu ku egyahay ilaa 2015 inkastoo Asagana uu sheegay in hadii Real ee doneyso in uu sii joogo in uu siijoogi doono laakin hadii Aysan dooneyn sii joogisteeda waan tagayaa ayuu yiri.

Hadaba hadalkan kasoo yeeray Kaka ayaa waxuu farxad geliyay kooxda La Galaxy oo iyada Dooneysa ciyaaryahan Kaka.
Hadaba waxaa ilaa haatan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono murankan u dhaxeeya Mourinho iyo Kaka.

Fetah Ali(liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12978

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan