ibrahim
|

Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Duqeyntii Vilaa Somaaliya.

Saraakiisha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka hadleen weeraradii xalay lagu qaaday Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, walow aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir C/Laahi Xersi Wardheere “Istakiin”, oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Boondheere, ayaa wuxuu sheegay in weeraradaan ay ahaayeen kuwo naf la caari leh.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaab ay weeraradaan la doonayaan inay wax yeelo ku gaarsiiyaan Madaxtooyada Soomaaliya, hase ahaatee wuxuu sheegay inaysan wax yeelo ka soo gaarin.

Madaafiicdaan ayaa wuxuu sheegay inay wax yeelo ka soo gaartay shacabka ku dhaqan Degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, kuwaa oo uu sheegay in si Xaqdaro leh wax yeelo loogu geystay.

C/Laahi Xersi ayaa wuxuu Saraakiisha Dowladda iyo Amisom uu ugu baaqay inay wax ka qabtaan ammaanka Caasimada, sidoo kalana wuxuu ka codsaday inay soo cadeeyaan goobihii madaafiicdaan laga soo ganay.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxtooyada Soomaliya madaafiic noocaanoo kala ah lagu weeraro, tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya loo soo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=12997

Posted by on Dec 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented