Dhaawaca Messi oo taagerayaal fara badan ka Naxeen halka qaar kalena ay ku farxeen( by liida)
Messi oo ah mucjisada cusub ee aduunka ayaa xalay dhaawac soo gaaray kadib marki ay isku dhacen gool hayaha kooxda Benfica oo Ay wada ciyaarayen koobka Champions League nasiib daro Messi ayaa laga saaray garoonka laguna qaaday barelaha ama gadiidka Gurmadka ee dhaawaca lagu qaado.
Dhaawacan soo gaaray laacibkan ayaa ah mid fudud laakin waxaa jiray warar ka imanayay kooxda Barcelona oo sheegayay in ay baqtin Ka qabaan dhaawaca Messi.
Messi ayaa 2 gool oo kaliya aga hartay in uu jabiyo Record ama taariq uu dhigay laacibkii u ciyaari jiray wadanka Germany iyo Kooxda Bayern Munich waa Gerd Muller.
Messi ayaa maanta lagu arkayay goobaha jir dhiska ama gym ka asagoo lasocda saaxibadiisa ee Barcelona waxaana la filayaa in Maalinta axada uu ciyaari doono inkastoo aan si toos ah loo hubin.
Messi ayaa umahad celiyay taagerayaashiisa “waan arkay Message yada iyo telfoonada aad iga soo wacdeen waana idin mahad Celinayaaa”
” Waan ogaa in aad i jeceshihiin laakin xalay ayaan si toos ah u ogaaday in aad si dhab ah ii jeceshihiin”
Hadaba waxaa jira dad ayaga taagera ciyaaryahano kale sida CR7 oo ayaga farxad gelin karta dhaawac soo gaaray Messi waayo haii Mesii uu dhawacmo uusan Record kan jabin waxaa dhici karta in Ronaldo loo doorto laacibka Ballon D’or.
Si kastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa maalinta axada ee kooxda Brcelona ay la ciyaari doonto kooxda Real Batis.
Fetah Ali (liida)
Fitaax1me@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13075
