ibrahim
|

Sadax Qof oo is ku qoys ah oo lagu dilay Mudug.

Waxaa seddex ruux oo isku qoys ah lagu dilay Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, kadib markii fiidnimadii xalay Degmada Bacaadweyn laga dareemay xiisad u dhaxeyso laba beelood oo halkaasi wada degta.

Niman hubeysan ayaa waxay weerareyn hoyga qoyskaan oo ku yaala Degmada Bacaadweyne, iyagoo durbaba halkaasi ku toogtay seddex ruux oo qoyska ka tirsan, markii ay toogashadoodu u adeegsadeen rasaasta nool nool.

Ragga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inay isaga taggeen Degmada Bacaadweyne markii ay dilalkaan ka fuliyeen, taasoo xaalada Bacaadweyn gelisay qal qal cabsiyadeed.

Shacabka ku dhaqan Degmada Bacaadweyn oo ay soo wajahday baqdin daran, ayaa waxay ka walacsan yihiin xiisada xilligaan ku soo korortay Degmad Bacaadweyn, iyagoo dareen ka muujinaaya wax yeelo ka soo gaarta.

Maamulka Gobolka Mudug ayaan weli si cad uga hadlin seddexda ruux ee lagu dilay Deegaanka Bacaadweyn, oo maanta laga dareymaayo dhiilo colaadeed.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13064

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan