|

Warqad furan oo ku socoto: Drs Maryan Qaasim Wasiirada Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya.

Og: dhamaan shacabka Soomaaliyeed

London. 06/12/2012

Marka hore iga gudoon salaanta islaamka ee qiimaha badan( AC WR WB), salaantaas kadib waxaan kuugu hambalyeynaynaa xilka Qaranka ee lagu soo magacaabey dhawaan, waxaana rajeynayaa inuu Allah kula garab galo islamarkaana waajibaadka Qaran ee kaa saaran xilkaas ugudato sidii aad ugu dhaaratey ilaaheyna kugu ogyahey hadii Eebe idmo.

Waxaan warqadaan furan kuugu soo qorey inaan kugu wargaliyo oo warbixin kooban kaa siiyo xaalada isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ku sugan yihiin labaatankii sano la soo dhaafey, si aad wax ugu qabato adigoo gacan ka helaya howl wadeenada wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada dalkeena.

Ugu horeyntii caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka ku nool labaatankii sano ee la soo dhaafey waxay ku sugnaayeen xaalad aan dhamaanteen ka wada dharagsanhey, islamarkaana waxay u baahan yihiin in loo istaago, xilna la iska saaro sidii ubadkaa iyo dhalinyaradaas Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa una heli lahaayeen nolal, caafimaad. isboorti iyo waxbarasho la mid ah tan caruurta iyo dhalinyarada caalamka ku nool ay heystaan.

Wasaarada aad ka tahey wasiirada waxaa looga fadhiyaa inay dib u soo celiso nidaamkii iyo sharcigii isboortiga dalka lagu dhaqi lahaa, yacni siyaasadii isboortiga dalka, dib u dhiskii xiriirada isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kale duwan iyo dhisida Gudiga Olambikada Qaranka iyo maxkamadii isboortiga dalka Soomaaliya iyo sidii isboortiga maamulkiisa loo gaarsiin lahaa gobalada iyo degmooyinka dalka oo dhan, islamarkaana maamul ku dhisan aqoon iyo cadaalad oo loo dhan yahey uu uga hirgali lahaa dalka iyo dib u dhiskii garoomada dalka, sugida amaankooda iyo dajintii miisaaniyadii uu isboortiga Soomaaliya oo dhan ku shaqeyn lahaa 4 sano ee soo socoto.

Dib u xusuusin isboortiga Soomaaliya maanta waxa uu gacanta uu ugu jiraa koox yar oo si shaqsi ah ugu tagri fala awooda isboortiga iyo dhaqaalaha caalamka ay kaga soo qaataan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, mudo 20 sanadood oo ay ku shaqeysanayeen wax ay ku fanaan oo ay maanta noo sheegi karaan ma jirto, marka laga reebo guul daro joogta ah, lunsashada hantida magaca isboortiga Soomaaliyeed ay kaaga soo qataan hay’addaha isboortiga caalamka gacanta siiya, isboortigiina waxay u adeegsadaan is xambaar lagu soo qaado tahriibayaal nolal doon ah dalal kale, waxaana ugu dambeeyay 14 qof ee cayaaraha Olambikada London 2012 ku yimid magaca isboortiga dalka Soomaaliya, kuwaasoo maanta iska dhiibey Ingiriiska iyagoo sheeganaya weli inay madax ka yihiin xiriiradii ay ku soo galeen London, waayo hore loo yiri ratiga dambe ratiga ka horeeya saan qaadkiisa ayuu yeeshaa sababtoo ah Gudoomiyaha GOS, Xogyahaha GOS, Kaaliyaha Xogyaha GOS. Xoghayaha XSKC, Xoghayaha XSKK.Xoghayaha XSCF Iwm ah, kuli waxay joogaan London.Sweden,Finland,Holland iyo Canada iyagoo ku labisan xilal isboorti, marka iyagana waa yimaadeen maxaa noo diidayo inay sheegano xilalkeena ayay qabaan waayo qof walbo meesha uu sheeganaya isagaa heysto oo isbaaro u taal, dowlad iyo maamul ay hoos tagaan oo kula xisaabtami karo ka shaqeeyo wadankeena ma soo marin,madaama dowlad rasmi ah ka jirin, balse maanta sheekada waa ka duwan tahey shaleyto ee wax ka qabo fowdadaan.

Waxayna jidadka ka sheegaan inay ka madax banaan yihiin dowlada iyo wasaarada isboortiga Soomaaliyeed, xiriiro aan xisaab laheyn oo ay diiwan gashteen ayaa ka jira magaalada Muqdisho oo aan shaqo badan ka qaban halkaas xataa, waxa kaliya ay qabtaan tartamo asbuucyo socdo oo lagu indho sarcaadinaayo hey’addaha dhaqaalaha laga soo qaadey si loo tuso in howl lagu qabtey lacagtii wadanka Soomaaliyeed isboortigiisa loogu soo dhiibey.

Gobalada dalka dhan kama howlgalaan wax shaqo ahna kama qabtaan, marka laga reebo wakiilo ay ka qorteen oo ay siiyaan lacago marka ay u baahan yihiin cadeymo laga rabo inay ka howl galaan gobalada Soomaaliya.

Hadii aad mid mid u fiiriso dadkaas isboortiga Soomaaliya oo dhan hogaaminaayo sheeganaya waxay ku nool yihiin qurbaha, Soomaaliyana maba tagaan mana joogaan wax ka badan labo asbuuc, xafiisyo kuma laha magaalada Muqdisho, marka laga reebo hotelo ay ku qabsadaan mashruucyada ay ka soo qataan FIFA & IOC, waxaana loo baahan yahey in wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada dajiso una sameyso xarumo ay ku shaqeeyaan oo ay kula socoto howlahooda, halka qofkii wax qabanaayo laga rabo inuu degaan ka dhigto dalka meeshii doonta haka noqotee, laakinse ma soconeysid Yurub iyo Waqooyiga Ameerika fadhinayaa xilna waan sheeganayaa, caalamka lama sheegin shaqaale shaqeynaayo hadane baararka fadhi ku dirirka fadhiyo 11 bilood sanadkii, halkii laga rabey in 11 bilood wadanka u shaqeeyaan ayay wareegayaan.

Marka hada si looga baxo musuqmaasuqa iyo nidaam darada labaatan sano jirsatey waxaa wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada looga fadhiyaa inay dabagal iyo xisaabtan ay kula xisaabtameyso xiriirada isboortiga iyo Gudiga Olambikada kuwa sheeganaya ay sameeyaan, islamarkaana ka warheyso dhaqaalaha tirada badan ee xiriirada aan xisaabta laheyn ay ku soo qataan kaalmada caalamiga ah hadane sida shaqsiga ah loogu tagri falaayo iyo meelaha ay ugu soo dhacaan wax badan uga ogaan laheyd hada iyo wixii ka dambeeyo.

Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad aqoon badan isboortiga u leh, kuwaasoo isugu jira dadkii wasaarada ka soo shaqeyn jirey, madaxdii isboortiga, ciyaartooydii hore Qaranka, garsoorayaashii iyo weliba madax ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo isboortiga markoodii hore ka soo shaqeyn jirey, lana socdo isboortiga maanta meesha uu maraayo iyo sidii lagu sixi karo, kuwaas oo kale kala tasho, kadibna hadaa u baahato qurbaha waxaa ku nool dad aad u farabadan oo isboortiga ka soo shaqeeyay, hadane ka shaqeeya oo wax badan talo iyo gacanba kaa siin kara sidii looga mira dhalin lahaa isboortiga Soomaaliyeed laga saaro mugdiga iyo dib u dhaca la soo gudboonaadey.

Mar dhaw waxaa Muqdisho lagu qaban doonaa doorashadii Gudoonka Olambikada Soomaaliyeed, marka waxaa wasaarada isboortiga laga rabaa in xiriiradii dooran lahaa gudiyadaas ay soo dhisto, kuwaasoo oo ay 18 gobal Soomaaliya ka kooban tahey ay soo dirsadaan iyo dadkii uga qayb gali lahaa maamulka isboortiga madaama maamulkaas lagu magacaabo Gudiga Olambikada Qaranka iyo magacaabida gudigii doorashadaas qaban lahaa, gudigaas oo ka madax banaan xiriirada gacan ku rimiska ah ee loo dhistey in lagu lafo ruugo deeqaha caalamka.

Waxaa rajeynayaa in howlahaan iyo howlo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin u istaagto sidii aad wax ugu ogaan laheyd, waxna uga qaban laheyd mustaqbalka soo socdo, indhaha bahda isboortiga gudaha iyo dibada waxay soo eegayaan waa wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada la soco, qof walbana wuxuu sameeyo wanaag iyo xumaan taariikhda ayaa sheegi doonto, Soomaali hore waxay u tiri hadal murti leh ” waarimaysidee war hakaa haro”.

Magaalada Muqdisho hogaamiye kooxeedyadii baalasha laga rifey maantana ma sii shaqeyaan, isbaaradiina madaxweynaha cusub Xasan Shiikh Maxamuud ayaa amrey in laga qaado jidadka Muqdisho, alxamdulilaahi amarkaasi waa hirgaley maanta Muqdisho isbaaro beleedyo iyo mid dowladeed ma taalo, marka ma arko sabab hogaamiye kooxeedyadii isboortiga ee dhashey xiligii burburka iyo isbaaradii ay u dhigteen isboortigii umadda Soomaaliyeed dhan ka dhaxeeyay sabab ay u sii shaqeyn karaan oo u sii jirin karaan, madaama dowlad rasmi ah oo aqoonsi caalami ah heysato umadda Soomaaliyeedna kalsooni ka heysato dhalatey.

Xisaabta ku darso Dowladnimo sax ahi waxay hirgali doontaa hadii caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed wax loo qabto dhibaatadana laga saaro, balanteenu waa in shaqo dhaxal gal ah loo qabtaa dalka iyo dadka insha Allah.

Jawaabtaada waxaan ka arki doonaa isbadalka dowlada cusub ay ka sameyso arimaha bulshada xiliyada fooda nagu soo haayo hadii Eebe idmo.

Nabad iyo warsan

Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf

Qoraa ahna tafatiraha isboortiga

Shabakada turxaanbixinta (SSPAMEDIA.COM)

mrsomalia@hotmail.com

London

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13092

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan