ibrahim
|

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tacsi u direysa ehellada marxuum Sabtow

Muqdisho – Khamiis 06 Dec 2012- Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay tacsi u direysaa Ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo ahaa Khasnajigii Wasaaradda  oo 04-tii bishan December  ku geeriyooday Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ,halkaasoo mudadii ugu dambeysay noloshiisa uu ku xanuunsanayay .

Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo da’diisu aheyd 52 sano jir ayaa waxa uu ka mid ahaa howlwadeenada kartida iyo hufnaanta leh , isagoo Wasaaradda ku soo biiray sanadkii 2008-dii , waxaana lagu xasuustaa kaalintii wax ku oolka ahaa ee uu kaga qeyb qaatay shirkii lagu dhisay dowladdii Federaalka KMG aheyd ee lagu qabtay deegaanka Embagathi  ee Mgaaada Nairobisanadkii 2004-tii .

Marxuumka oo ku dhashay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xilligii dowladdii milatariga kaga mid noqday shaqaalaha dowladda hoose ee gobolkaasi , waxaana uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur  .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,Aamiin… Aaamiin.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13088

Posted by on Dec 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan