ibrahim
|

Al-shabaab iyo Ciidamda Dowlada oo ku dagaalamay Kismaayo gudaheeda.

Dagaal u dhaxeeya  ciidamada Dawlada iyo shababa ayaa waxa la sheegayaa inuu ku dhex maray saakay  magaalada kismaayo ee xarunta Juabada hoose ,dagaalkaas oo ka dhacay  xaafada lagu magacaabo  Farjano sida la  tilmaamo  waxaa weerarka ay soo qaaday Shabaab.

Qasaaraha ka dhashay  dagaalka ayaa waxaa la sheegaya inuu hal qof oo ku dhintay  oo sida la sheegay ay shabab halkaasi dhaawac ahaan kaga carareen  isla halkaasina  ciidamada dawladu ku dhamaystireen,sidoo kalena  ilaa saddex qof oo rayid ah ayaa iyagana ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Kismaayo ayaa ilaa intii lagala wareegay gacan ku ahaynteeda waxa Alshabab ay ka gaaysanayeen falal iskugu jira dilal ,qaraxyo, iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku soo qaadayanaa  ciidamada Dawlada iyo kuwa Kenya oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13103

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan