ibrahim
|

Ban-kimon :Ciidamada AMISOM Amaan ayey Mudanyihiin.

Xoghayaha Guud ee qaramada midowbay Banki Muun ayaa ciidamada midowga africa ee ku sugan Soomaaliya waxa uu ku amaanay sida wacan ay kaga qeyb qaadanayaan in nabad loogu soo dabaalo soomaaliya oo in muddo ah burbursanaa.

Sidoo kale waxaa uu si gaar amaan ugu jeediyay Ciidamada Midowga africa wuxuuna ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan al-shabaab ee ku aadan ka saaritaanka Deegaano badan oo ka tirsan koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Banki Muun ayaa sheegay in Ciidamada Midowga africa ee Soomaaliya ku sugan ay ka qeyb qaateen sidii Soomaaliya ay u hanan lahayd qarannimadeeda iyo hanaankii iyo kala dambeyntii ka jirtay Soomaaliya,isagoona tilmaamay in Midowga africa kaalinta uu ku leeyahay Soomaaliya uu yahay mid aan la soo koobi Karin.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee qaramada Midowbay Banki Muun ayaa dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday holwgaladii ugu danbeeyay ee Ciidamada isgarabsanaya ee ay horboodayaan Saraakiisha Midwoga africa waxa uuna hoosta ka xariiqay in laga gaaray dagaalkaasi lala galay Ururka Ka soo horjeeda dowlada Somaaliya ee al-shabaab waxa uuna sheegay in dagaalyahanada soomaalida iyo ajaaniibta isugu jira lagu qasbay inay galaan dhulalka howdka oo uu tusaale u soo qaatay Buuraha galgala oo shabaabku ay u guureen.

Waxa uuna meesha ka saaray Banki muun in ay dhamaatay qatarta al-shabaab balse uu sheegay in sidii hore ay ka yara roon tahay.

Ugu danbeyntii xoghayaha guud ee qaramada midowbay ayaa ugu danbeyntii waxa uu baaq u jeediyay Ciidamada Midowga africa ee ku aadan in ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan al-shabaab si markaasi loo helo amaan buuxa oo ka dhasha dalka Soomaaliya.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13107

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented