Ciidamo La dhigaayo Goobihii Isbaarooyinka Laga qaaday ee Muqdisho.
Maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in ciidamo gaar ah loo samaynayo goobihii laga qaaday isbaarooyinka ilaa intii la qaaday isbaarooyinka ayaa mar mar soo baxayanaa ciidamadii laga qaaday isbaarooyinka halkaasi oo ku jiraan xoogaa haraadi ah.
Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan ayaa waxa uu ka hadlay goobihii laga qaaday isbaarooyina sharci darada ahaa in loo baahan yahay la dhigo ciidamo si loo xaqiijiyo amaanka Muqdisho iyo meelihi isbaarooyinka laga qaaday .
Hadalkan xoghayaha ayaa imanaya xili isbaarooyinkii ugu waa waynaa laga qaaday muqdisho iyadoo la raacaya go’aanadii madaxwaynaa jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadanaa qaadista isbaaroooyinka.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13119