|

Guddoomiye Cabdi Jiinow: “Ninka Xaadoole la yiraahdo ee isbaarada dhigtay Degmada Balcad waxay Dowladdu..”

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Eng. Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka warbixiyay kacdoonka dadweyne ee ka socda degmada Balcad iyo tallaabada ay arrintaasi ka sameeyeen ka maamul ahaan.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Jiinow in isagoo raacaya awaamiirta Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu mamnuucayay isbaarooyinka uu warqado u qoray dhammaanba degmooyinka hoos yimaada gobolka, hase yeeshee guddoomiyaha degmada Balcad Cusmaan xaadoole uu arrintaasi iska dhega mariyay.
“Dowladdu tallaabo cad ayay ka qaadeysaa ninka Xaadoole la yiraahdo ee isbaarada dhigtay degmada Balcad” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe oo sheegay in Cusmaan Xaadoole uu dayacay xilka loo magacaabay isla markaana mar hore uu ku xadgudbay xasaanadda uu Qaranku ku aaminay.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Eng. Cabdi Jiinow Calasow waxa uu sheegay in maleeshiyo aan ka amar qaadan dowladda ay sibaarooyin dhigteen waddooyin ka tirsan degmada Balcad, kuwaasi oo uu sheegay inay ka amar qaataan Cusmaan Xaadoole Guddoomiyaha Degmada Balcad, balse Guddoomiye Jiinow uu afkiisa ka dhowray in xilkaasi lagu magacaabo.
Dhinaca kale cabashada dadweynaha degmada Balcad ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo afhayeenka degmada Dowladda ee degmada Balcad uu sheegay inuu ka dambeeyay Cusmaan Xaadoole isbaarooyinka la soo dhigay degmadaasi isla markaana falkaasi ku tilmaamay mid ka hor imaanaya awaamiirta Madaxweynaha uu ku mamnuucay isbaarooyinka.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13123

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan