ibrahim
|

kooxo ka tirsan Al-shabaab oo howlgal lagu soo qabtay.

Ciidamada ammaanka ayaa baaris dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib  markii shalay Bam qasaare geeystay lagu tuuray qeybta Dahablaha ee suuqaasi.

Taliye ku xigeeenka ciidamada Booliiska ee suuqa Bakaaraha Gaashaanle Saciis Xasan Jimcaale ayaa warbahinta u sheegay in dhagarqabe ka tirsanaa Shabaab uu shalay Bam gacmeed ku tuuray qeybta haweenku dahabka ku iibiyaan ee suuqa Bakaraha.

‘’ Bumkaasi waxaa ku dhaawacmay 13 qofood oo mid kaliya uu ka ahaa wiil inta kalena waxeey ahaayeen haweenka iibiya Dahabka, ciidamaduna waxey markiiba soo qabteen Afar qofood oo sadex ka mid ah loo yaqaano in ay ka tirsanyihiin Shabaab’’ ayuu yiri taliye ku xigeenka rugta booliiska ee Suuuqa Bakaaraha.

Tliyaha ayaa intaa ku daray in fiidnimadii xalay Bam kale lagu tuuray isgoyska Aadan Cadde kaas oo aan geysan wax qasaare ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay gacanta ku soo dhigidoonaan kooxaha Bamka tuuraya ee ka soo horjeeeda nabadgelyada.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13098

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan