Maandhow Ha Is Dilin Anna Ha i Dilin!! (Faallo) Bashiir Cali Xussen)
Tusmo iyo tusaale tixmaal baa lehe, Abwaan
Guure oo dilalka Soomaaliya ka dhex dhacayay u soo kuur galay, si qota dheerna uga soo baaraan degay, ayaa su’aal adag iska weydiiyay da’yartii dalka oo dabka ku hoobaneysa fal dhaqankooduna uu noqday is moog ah ” iney is dilaan iyo iney wax
dilaan un ” wuxuuna taa ka yiri:-
Wiilashan is
dilaayee
Dilayaashu
diraane
Wedka dila
ku rarane
U dilaaya
naftooda
Dad iney ku
dilaan
Dilka maxey
ka helaan?.
Daarihii
jannada iyo
Haddii
darajo aakhiro
Duulkani ku
helayaan
Amiirradu
mey is dilaan
Duhur mey is
qarxiyaan
Ajir
miyaanay dooneyn
Ilmaha xey u
dagaayaan?.
Maandhow gacaliye wiilkan is dilaayow, waxa
kula hadlaaya ee habeen iyo maalinba waanada iyo caqli celinta kula dul taagan,
waa waalidkaa iyo walaalahaa, waa adeerradaa iyo abtiyaashaa, sukeeya iyo
soomaalida oo dhan iyo guud ahaan inta islaamnimada ku abtirsata ee maandhow
aan kuu duceynee ha is dilin annagana ha na dilin, ee qaado duruus waxbarasho
si aad berrito dalkaada, dadkaada iyo diintaadaba u anfacdo!.
Madaxda sare ee dowladda iyo hey’adaha amniga iyo garsoorka waxaan ku boorrinayaa aadanuhu xeerar kala duwan buu ku dhaqmaa gundhigga kala saarkooduna waa sharciga oo qof walba ka sarreeya, sidaa darteedhaddii qofkii qof dila inta la soo qabto qisaas la marsiiyo, waa hubaal in ay nolol iyo nabadba ka soo baxayaan, waayo
allaah ( SWT ) ayaaba qur’aanka kariimka ah noogu sheegay oo leh “qisaasta nolol baa idiin kugu jirta” waana xalka kaliya ah ee lagu kala badbaadi karo laguna wada noolaan karo dowladnimaduna sidaa ayey ku jiri kartaa ee taasi si ay u fusho la imaada miisaan caddaaladeed iyo awood wax qabad oo karti iyo hufnaan leh.
Suura gal maaha had iyo jeer, iyada oo ay
ciidamadii amniga meel walba taagan yihiin in la yiraahdo gacan ku
dhiiglayaashii
wax dilay wey baxsadeen!!. Macquul maaha xabsiga dhexe iyo maxkamadda dhexdooda
in ay ka dhashaan dullaaliin denbiilayaasha fikiya iyaga oo xil qaran dusha ku
wata!.
Abwaan Maxamed Warsame ( Taban taabo ) oo
farta ku fiiqaya dhibaatada ka iman karta haddii aanan qisaasta la fulin, ayaa
wuxuu leeyahay:-
Nin wax
dilay haddii aan
La dilinoo leyska
sii daayo
Waa inuu
dilka sii wataa
Saa la dili
waaye.
Wasaaradda arrimaha gudaha, Garsoorka iyo caddaaladda, xabsiga dhexe iyo maxkamadaha iyo dhammaan inta ku howlan amniga guud idil ahaantoodba, waxaa la gudboon ” in ay yeeshaan feejignaan dheeri ah iyo xuuraansi war gal ah oo xumaha looga hor tagi karo inta uusan falka dhicin iyo qaabilaadda sharciga oo aan laga meer meerin.
Haddaba shaci dhowrayaashow ogaada qof wax
dilay haddii aad sii deysaan dilku wuu sii badanayaa ugu danbeystana dilka iyo
amni xumada abuurmeysa idinka ayey idin saameyneysaa ee dadka iyo dalka u
hiilliya!!!.
Qofkii ruux
kale dila
Haddaan la
soo qabanin
Oon qisaas
la marsiinin
Ma dhamaato
qur gooyo
Qaranka wow
luggooyo
Dadkana waw
khasaaree
Hirgeliya
qaanuunka.
Waxaa Qorey: Fanaan Bashiir Cali Xuseen.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13113