|

Maxay ka hadleen Madaxweyne xasan shiikh iyo Tayyib Erdogan?+Sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kula kulmay magaalada Istanbul Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Turkiga uga qeyb qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xooga dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka wado Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa balan qaaday in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerida Walaalaha Soomaaliya, waxaana uu soo dhoweeyay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa saxaafada u sheegay in laga wada hadlay xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa, isla markaana Turkiga gacan uga geysan lahaa dib u dhiska ciidamada xooga dalka iyo booliska.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cemil çiçek dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay sidii baarlamaanka Turkiga u hormarin lahaa baarlamaanka soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalka Turkiga siinayo dowladdiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga, iyadoo magaalada Ankara kula kulmay madaxweynaha Turkiga Abdalla Gul, iyagoo ka wada hadlay sidii labada dal iska kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee taageerada siiya dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, tan iyo markii abaarihii ku dhifteen sanadkii hore, waxaana wali Hey’adaha Turkiga ka wadaan Muqdisho howlo sama fal.

 

 

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13127

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan