|

Qarax Dhimasho Sababay oo ka dhacay isli Nairobi Iyo Xildhibaan Yusuf oo ku dhawacmay qaraxa..

Qarax khasaare sababay ayaa la sheegayaa in uu caawa fiidkii ka dhacay bannaanka hore ee masaajid ku yaalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hay’adda Laan-qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa bogga ay ku leedahay Twitter-ka ku soo qortay inay qaraxa ku dhinteen saddex qof.

Dad goobjoogayaal ah oo ay Bar-kulan la hadashay ayaa sheegay in in ka badan 10 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka dhacay iridda laga galo masaajidka Al-Hidaaya kaddib markii ay dadku ka soo baxeen salaaddii cishaha.

Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu u muuqdo in uu ahaa bamb lagu aasay waddada dhinaceeda sida uu qoray wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi.

Xilligii uu qaraxu dhacayay waxaa masaajidka ku sugnaa xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamukunji oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay, Yuusuf Xasan Cabdi, kaas oo la xaqiijiyay inuu qaraxa ku dhaawacmay.

Ma cadda in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa xildhibaanka.

Xigasho :Bar-kulan 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13144

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan