ibrahim
|

Sir Alex oo doonaya lasoo wareegida laacibka Liverpool Sterling (by liida)

Ciyaaryahankan Da’da yar ee laacibka ah una ciyaara kooxda Liverpool waa ciyaaryahan Sterling ayaa weli heshiis toos ah u saxiixin kooxda Liverpool inkastoo kooxda Man Utd ay Dooneyso in ay ka faa ideysato lasoo wareegida laacibkan da’da yar.

Ciyaaryahankan ayaa 18 jir noqon doona maalin nimada beri ah ee sabtida asagoona kaga soo Biiray liverpool naadiga QPR asagoona haatan noqday ciyaaryahanada ciyaarta lagu bilaabo ee Kooxda Liverpool.

Macalin Sir Alex ayaa doonaya in uu ku badalo ciyaaryahankan booska ciyaaryahan Nani oo Asaga lagu wado in uu ka tagi doono naadiga Manchester United.

Manchester united ayaa haatan u kuura galeysa sida ugu haboon ee Sterling kaga soo wadan Lahaayen naadiga Liverpool oo Manchester United kala dhaxeesa Xifaaltan Sports.

Tani haatan waa rabitaan laakin jawaabta saxda ah ayaa imaandoonta hadii Sterling uu ku Adkeesto in uusan saxiixin heshiis cusub .

Hadaba waxaa la arki doonaa halka uu ku dhamaan doono hadaladan kasoo yeeray kooxda Manchester United.

Fetah Ali(liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13138

Posted by on Dec 7 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented