ibrahim
|

Al-shabaab oo odey nabadoon ah ku dishay Galgaduud.

Malleeshiyada kooxda Argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa gudaha magaalada Ceelbuur soo dhigay Meydka Allaha u naxariistee C/llaahi Maxamuud Faarax oo ka mid ahaa Nabad doonada ugu caansan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Ceelbuur ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay gowraca nabaddoon C/llaahi Maxamuud Faarax, kadib markii sida ay sheegeen Malleeshiyaadka Shabaab ay Laba habeen ka hor ka kaxeysteen hooygiisa oo ku yaala Magaalada Ceelbuur,  saakana meydka nabadoonka oo madaxa ka go’an lagu arkay bartamaha magaalada.

Allaha u naxariistee Nabaddoonka ayaa la sheegay in uu ka dhega adeygay amar ay malleeshiyaadka Shabaab siiyeen,  kaas oo ahaa in isaga iyo caruurtiisaba ay bixiyaan dhaqaalo ay malleeshiyaadka Shabaab ku sii wadaan dagaallada fidnada ah oo ay ka wadaan gudaha dalkeenna Soomaaliya.

Arrintan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen ummadda Soomaaliyeed,  waxeyna tani qeyb ka tahay xadgudubyada ka baxsan Islaanimada oo ay kula lacaan ummadda Soomaliyeed, mana aha markii ugu horreeysay ee malleeshiyaadkaasi ay dad ku gowracaan magaalada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha fara ku tiriska ah oo ay wali dalka kaga harsanyihiin malleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab.

xigasho “:Radio Muqdisho

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13152

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan