Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Madaxweynaha oo Xamar ku soo labtay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay safarro shaqo ku tageen dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiirro ka tiran dowladda waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamanka, wasiirro, R/wasaaraha dalka,  saraakiil ciidan, xildhibaano, iyo dad weyne aad u badan.

Markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Madaxweynaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulamo uu la soo qaatay madaxweynaha dalka Turkiga iyo R/wasaarihiisa ayna soo kala saxiixdeen heshiis.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay albaabada u furtay dowladda Soomaaliya ayna diyaar u tahay sidii ay wax waliba uga caawin laheyd.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in dowladda Turkiga ay soo kala saxiixdeen heshiis ku aadan dhinaca ciidanka taas oo ay saxiixeen wasiirada difaaca labada dal.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Kenya uga tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelooway qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaala xaafadda Islii ee magaalada Nairobi kaas sababay dhimasho iyo dhaawac.

Prof  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in falalka ka dhacaayo dalka Kenya ay yihiin kuwo ay wadaan kooxda al-qaacidda oo diidan caawinta ay dowladdaasi ka wado gudaha dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudo sadax maalin ah waxa uu safaro shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dowladaasi.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13174

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented