ibrahim
|

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo Xabsi Daa’in lagu Xukumay.

 War ka soo baxay Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkaal ka tirsan Ciidamda Asluubta Soomaaliyeed Lagu xukamay Xabsi Daa’’in ka dib markii Sarkaal kaasi lagu Helay Qiyaano Qaran Sida lagu sheegay warka Maxkamada ka soobaxay.

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamda Qalabka Sida Liibaan Cabdi Yaroow ,ayaa faahfaahin ka bixinin sababaha rasmiga ah ee sarkaalkan loo xiray isagoo ku gaabsaday ookaliya in Sarkaal kaan uu galay qayaano Qaran.

Sarkaal kaan ka tirsan Ciidamda Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Ismaaciil ,waaana sarkal mudo ka shaqeynaayey  howlaha Xabsiyda iyadoo hada loo dhaadhiciyey Xabsiga.

Maxakamada Malitariga ee Qaranka ,ayaa waxaa ay hada baaritaano ku haysaa saraakiil kale oo katirsan Ciidamda Dowlada Soomaaliyeed ku waasi oo iyana la sheegay hadii lagu helo danbiyada raad kooda lagu jooga ee la tuhunsanyahay in  Maxkamda si deg deg ah loo keenaayo.

www.qubanaha.com

qubanaha@yahoo.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13182

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented